Sunday, August 2, 2026

Raadkii Ra’iisul Wasaaraha: Run mise Rabitaan

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda: “Aqalkaaga hortiisa afsaar baa la dhigaa, hadalkaagana hortiisa afeef baa la dhigaa.” 


Afeef: Maqaalkani ma aha qiimeyn ku saabsan shakhsiyadda Ra’iisal Wasaarihii hore Mudane Cali Maxamed Geeddi ama guud ahaan waxqabadkiisii siyaasadeed. Sidoo kale, ma sheeganayo in dhammaan waxa ku qoran buuggiisu ay khaldan yihiin. Ujeeddadu waa naqdin ku wajahan habka loo qoray buuggan Raadkeygii ee sheeganaya inuu yahay diiwaan taariikheed, iyadoo la eegayo xeerarka aqooneed, sooyaal-qorista (Historiography), dhexdhexaadnimada iyo la xisaabtanka hoggaamiyeyaasha.
https://drive.google.com/uc?export=view&id=1OwWrR2S-vAFCfR-8VBNoAkDOloe0Qprq

Buug kasta oo isu soo bandhiga inuu yahay diiwaan taariikheed laguma qiimeeyo oo keliya waxa lagu qoray, waxase la qodobeeyaa waxa uu qariyey. Taariikhdu ma aha xulasho lagu qurxiyo dhacdooyinka qofka u roon; waa isku geynta xaqiiqooyinka wanaagsan iyo kuwa qaraarba. Halkaas ayay ka bilaabataa kalsoonida qoraalka taariikhiga ah.

Qoraaga Raadkaygii wuxuu sheegay in buuggiisu uu si qotodheer uga hadlayo halgankii gobannimada, dowladihii Soomaaliya soo maray, burburkii qaranka, dagaalladii sokeeye, dibuheshiisiinta iyo dib u yagleelidda dowladnimada. Wuxuu sidoo kale ku dooday in xogta uu ururiyey ay tahay kayd waxtar u leh cilmibaareyaasha, siyaasiyiinta iyo qof kasta oo doonaya inuu fahmo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Sheegashadaasi waa mid culus. Sidaas darteedna waxay xambaarsan tahay masuuliyad ka sii culus. Qof soo noqday Ra’iisul Wasaare ma aha qoraa caadi ah; waa markhaati taariikheed. Wuxuu joogay halkii go’aamada laga gaarayay, wuxuuna qayb ka ahaa dhacdooyin si toos ah u saameeyey masiirka qaranka. Sidaas darteed, waxa laga filayo ma aha oo keliya inuu wax qoro, balse waa inuu qoro runta qaraar..

Marka laga reebo sawirka aabbihii Maxamed Geeddi Cabdulle, kii SYL iyo calanka Soomaaliya, buuggu wuxuu xambaarsan yahay in ka badan 60 sawir oo kale.  Nasiibdarri, waxaa ka maqan sawir ka mid ah dhacdooyinkii ugu muranka badnaa ee xilligaas astaan u noqday: sawirka ciidamada Itoobiya oo calankooda ka taagaya Villa Soomaaliya. Dadku waxay ku kala duwanaan karaan fasiraadda dhacdadaas iyo duruufihii ku xeernaa, laakiin jiritaankeeda lama dafiri karo. Waa qayb ka mid ah taariikhda madow ee soo martay xusuusta bulshada Soomaaliyeed.

Su’aashu ma aha sababta sawirkaas loo waayey oo keliya; su’aashu waa, muxuu Ra’iisal wasaaruhu xusuustaad madow bulshada ugu sheegi waayey wax sababay? Hadaba buuggan sheeganaya in uu yahay kayd taariikheed, isla markaana aan qiran dhacdo si weyn ugu suntan isla xilligaas, sidee akhristuhu ugu kalsoonaan karaa qaybaha kale ee buugga? Miyeysan noqoneyn in dhammaan dhacdooyinka lagu kala xushay waxa la soo bandhigayo iyo waxa la qarinayo?

Xeerka qorista taariikhda, wuxuu qabaa mabda’ cad: xogta laga tagay waxay ka muhiimsan tahay, midda la qoray. Ka gaabsashadu ma aha mar walba dhexdhexaadnimo; mararka qaar waa ku talagal. Doorashadaasina waxay saamayn taban ku yeelataa kalsoonida ilaha taariikhiga ah.

Hoggaamiyaha qora buug taariikheed waxaa laga filayaa inuu noqdo qofkii ugu horreeyey ee naftiisa la xisaabtama. Taariikhdu ma wayddiiso hoggaamiyaha inuu khalad la’aa; waxay wayddiisaa inuu daacad ahaa. Qirashada khaladkuna ma dhinto sumcadda hoggaamiyaha; waxay kor u qaaddaa kalsoonida lagu qabo maragfurkiisa.

Dunida waxaa tusaale u ah hoggaamiyeyaal badan oo doortay inay qoraan taariikh aysan ka saarin meelihii lagu dhaliilay. Nelson Mandela wuxuu si daacad ah uga hadlay go’aanno adag iyo khaladaad dhacay intii uu halganka ku jiray. Ulysses S. Grant wuxuu si furan uga warramay guulihiisa iyo guuldarrooyinkiisa. Winston Churchill wuxuu ka dooday go’aamo badan oo lagu dhaliilay, isagoo difaacay qaarna qiray culayskooda. Barack Obama wuxuu buuggiisa A Promised Land kaga hadlay go’aamo muran dhaliyay, isagoo si cad u tilmaamay meelihii uu u arkayay in maamulkiisu ka gaabiyey. Waxa qoraalladaas lagu xusuustaa ma aha inay qariyeen khaladaadka, balse inay u oggolaadeen akhristaha inuu arko sawirka dhabta ah oo dhan.

Buug taariikheed ma noqdo mid lagu kalsoonaan karo, marka qoraagu uu soo bandhigo guulaha oo keliya. Wuxuu kalsooni yeeshaa kolka si geesinimo ah loo soo bandhigo guulaha, guuldarrooyinka, doodaha iyo dhaliilaha isku mar. Taasi waa farqiga u dhexeeya taariikh iyo xusuus-qor la mirodhal ah.

Qoraagu wuxuu xaq buuxa u leeyahay inuu aragtidiisa qoro. Haddiise uu ku doodo in buuggiisu yahay kayd lagu dhaxal ah oo ka warramaya sooyaalka dowladnimada Soomaaliya, akhristuhuna wuxuu xaq u leeyahay inuu su’aalo adag weyddiiyo. Kalsoonidu laguma dhiso sheegasho; waxaa lagu dhisaa hufnaan. Hufnaantuna waxay bilaabataa marka qoraagu uusan ka leexan dhacdooyinka isaga qudhiisa lagu dhaliilayo.

Taariikhda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay marag, umase baahna muraayad hal dhinac wax ka tusaysa. Jiilasha dambe waxay rabaan inay fahmaan wixii dhacay, sababta ay u dhaceen iyo casharrada laga bartay. Haddii hoggaamiyeyaashii shalay ay ka gaabsadaan qirashada qaybaha ugu murugada badan ee waayahooda siyaasadeed, waxay dhaawacayaan kalsoonida buugga ay qoreen, ma aha oo keliya sumcaddooda.

Sidaas darteed, su’aasha uu akhristuhu isweyddiinayo ma aha oo keliya: “Muxuu buuggu sheegay?” Su’aasha ka weyn waa: “Muxuu buuggu ka aamusan?” Halkaas ayay ku kala baxaan raadka runta iyo raadka rabitaanka. Buugga ka taga xaqiiqooyinka ugu culus ee xilligiisa wuxuu noqon karaa xusuus-qor uu qoraagu isagu hagayo, balse way adkaanaysaa in loo aqbalo diiwaan taariikheed oo lagu kalsoonaan karo. Taariikhdu waxay leedahay hal shuruud oo aan laga tanaasuli karin: runta oo dhan, haba qaraaraatee. 

Sidaas darteed Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi muxuusan ugu darin buugga sawirkan? Murugada iyo taariikhda madow ku ah malaayiinta Soomaaliyeed?