Friday, March 20, 2026

DUNIDA IYO DAGAALKA KADDIB

 

Dagaalka iyo isbeddelka awoodaha caalamiga ah


“Those who would give up essential Liberty, to purchase a little temporary Safety, deserve neither Liberty nor Safety.” — Benjamin Franklin.
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa sidoo kale tiraahda: “Nabad la tuugo nabad maahan.” Dagaalkan wuxuu muujinayaa in dunidu u sii jeedo nidaam multipolar ah, taasoo awooddu nooqn doonto mid isku dheelitiran, marka dagaalladu noqdaan kuwo isku dhafan militari, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Dagaalka billowday 28.02.2026 ee u dhexeeya Iiraan iyo dhinacyada wadajira ee Maraykanka iyo Israa'iil ayaa galay maalintii 21-aad. Dagaalkani wuxuu saadaalinayaa marxalad cusub oo kusoo kordhi karta nidaamka caalamiga ah, gaar ahaan isku dheelitirka awoodda ee heer gobol iyo mid caalami. Inkastoo dagaalku weli socdo, haddana waxaa muuqata in aan la gaarin guul militari oo cad. Tani waxay tilmaamaysaa nooc dagaal oo cusub, kasoo aan ku salaysnayn guul degdeg ah, balse ku dhisan cadaadis iyo dagaal istiraatiiji ah oo muddo dheer qaadan kara.


Dagaalka billowday 28.02.2026 ee u dhexeeya Iiraan iyo dhinacyada wadajira ee Maraykanka iyo Israa'iil ayaa galay maalintii 21-aad. Dagaalkani wuxuu saadaalinayaa marxalad cusub oo kusoo kordhi karta nidaamka caalamiga ah, gaar ahaan isku dheelitirka awoodda ee heer gobol iyo mid caalami. Inkastoo dagaalku weli socdo, haddana waxaa muuqata in aan la gaarin guul militari oo cad. Tani waxay tilmaamaysaa nooc dagaal oo cusub, mid aan ku salaysnayn guul degdeg ah, balse ku dhisan cadaadis iyo dagaal istiraatiiji ah oo muddo dheer qaadan kara.


Dhanka kale, Iiraan waxay u muuqataa in ay ka faa’iidaysanayso istaraatiijiyad muddo dheer ku dhisan, kuna saleysan xoojinta difaaceeda, horumarinta gantaalladeeda, iyo adeegsiga dagaallo dadban (proxy warfare). Tani waxay u oggolaatay in ay si adag iskaga caabbisay duulaankii lagu soo qaaday, kana dhigtay mid aan suurtagal ahayn in la gaaro guullo miletari oo degdeg ah. Iiraan waxay abuurtay xaalad ay dagaalka ku ballarisay inta badan gobolka si culayska aysan kali ugu noqon. Waxaad moodaa in xaalku ahaa: "Neef la' gowracay geed kama waabto
."

“Isku dhacyada Bariga Dhexe waxay khatar gelinayaan xasilloonida caalamka, iyagoo leh awood ay si degdeg ah ugu fidaan gobollo kale. Maraykanku wuxuu wajahaa cadaadis sii kordhaya oo ah inuu door muuqda ka qaato, balse tallaabo kasta oo uu qaado waxay kordhin kartaa halista fiditaanka dagaalka iyo in uu isu beddelo khilaaf ballaaran.”—William Galston. The Wall Street Journal.

Humbaalaynta Trump

Donald Trump waxaa kasoo yeeray hadallo u muuqda kuwo si khilaafaya, wuxuu sheegay ilaa sagaal jeer in ay guul ka gaareen hadafka dagaalka Iiraan y kula jiraan. Dhanka kale wuxuu sheegay in isagu uu soo xuli doono cidda hogaaminaysa Dalka Iiraan. Docda kale NATO mar wuxuu leeyahay “uma baahnin NATO,” marna wuu dhaliilayaa oo uu yiri “maxay noo caawin waayeen?” Si guud, hadalladiisa waa kuwo si weyn isku khilaafsan, laakiin marka la falanqeeyo hadalladiisu wuxuu u adeegsanayaa istiraatiijiyad cadaadis, in xulafada lagu qasbo inay dagaalka kusoo biiraan.

Trump wuxuu dowr jeer sheegay, in hawada Iiraan ay iyagu maamulaan oo dhammaan difaacyadii dalkaas ay burburiyeen. Sheegashadaas waxaa meesha ka saaray, sheegashadii Iiraan ee ahayd in ay dhaawaceen diyaaradda F-35 Lightning II, arrinkasoo noqday tilmaan buuxda oo muujisay, in Trump hadalkiisu ahaa baqdingelin iyo humbaalayn maran. Inkastoo si rasmi ah loo sheegay in duuliyuhu “stable” yahay, haddana eraygaas marka loo eego luuqadda siyaasadeed waxaa mararka qaar lagu dabooli karaa dhaawac culus oo aan si buuxda loo shaacin.

Haddana xaqiiqda ah in Marinka Hormuz ay si buuxda u maamusho Dawladda Iiraan, waxay muujinaysaa in awoodda Iran aysan ahayn mid si fudud loo burburin karo. Iraan ma u adeegsan doontaa marinka Hormus sida hub Nukliyeer ah?

Sida muuqata marka la isku soo xooriya erayada Trump, go'aamada Iiraan iyo dhacdooyinka aan markhaatiga ka nahay, waxaa soo baxay ifafaallo ah, in dunidu aysan sii ahaaneynin hal awood oo maamusha mustaqbalka dhaw.

“Dagaalka u dhexeeya Iran, Israa’iil iyo Maraykan ma aha mid gobolka ku eg, balse wuxuu leeyahay khatar uu ku noqdo mid caalami ah. Waa dagaal cusub oo tiknoolajiyadeed oo ay door weyn ku leeyihiin drones iyo AI, wuxuuna si toos ah u saameyn karaa dhaqaalaha dunida, gaar ahaan haddii marinnada shidaalka sida Hormuz la carqaladeeyo. Intaa waxaa dheer, khilaafkan wuxuu siin karaa fursad awoodaha kale sida Shiinaha iyo Ruushka, inkasta oo suurtagal ay tahay inuusan dagaalku sii dheeraan muddo dheer.” — Niall Ferguson

Dhanka kale, xoghayaha tamarta ee Maraykanka Chris Wright ayaa sheegay in haddii la dabciyo cunaqabataynta, shidaalka Iran ee horey ugu jiray maraakiibta uu gaari karo Aasiya 3–4 maalmood gudahood, halka suuqa si buuxda uu u geli karo 30–45 maalmood gudahood. Tani waxay muujinaysaa in dagaalku uu leeyahay wajiga labaad: dagaal dhaqaale. Arrinkan ayaa loo arkaa mid Maraykanka uu ku doonayo, in uu ku yareeyo khatarah ka dhallan karin in dagaalku noqdo mid caalami ah, isagoo tilmaamay in dalalka Aasiya ay baahi weyn u qabaan shidaalka Iiraan. Waa halkii ay soomaalidu ka dhado: "Ninkaan warankaagu gaarin, weedhaadu ma gaarto."

Dagaallada Casriga ah ee xeeladaha Isku dhafan

Dagaallada maanta waxay ka gudbeen kuwii hore ee ciidamada lugta, iyagoo noqday kuwo isku dhafan oo ay door weyn ku leeyihiin tiknoolajiyada casriga ah, dagaal cyber, cadaadis dhaqaale iyo saameyn warbaahineed. Drones-ka iyo gantaalaha ayaa noqday laf-dhabarta dagaalka, iyagoo suuragelinaya weerarro fog oo sax ah, yareynaya khasaaraha askarta isla markaana kordhinaya awoodda kormeerka iyo burburinta bartilmaameedyada.

“Dagaallada maanta ma aha oo kaliya kuwa muuqda; waxaa jira lakabyo qarsoon oo ay hoggaaminayaan sirdoonka, qorsheynta milatari iyo xisaab istiraatiiji ah. Doorka Maraykanka ee khilaafaadka noocan ah waxay inta badan ka dhacaan meel aan si toos ah loo arkin, taas oo go’aamisa jihada dagaalka.”—David Ignatius – The Washington Post.

Maxay yihiin howlgallada qarsoon ee dagaalka waxay ka mid yihiin ururinta xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa iyo qorshayaasha dhinacyada is haya, weerarro cyber ah oo lagu carqaladeeyo nidaamyada muhiimka ah sida korontada iyo isgaarsiinta iyo hawlgallo si qarsoodi ah loo fuliyo sida weerarro bartilmaameedyo gaar ah lagu beegsado iyadoo la adeegsanayo drones ama gantaalo.

Guud ahaan, howlgallada qarsoon waa ficillo aan si toos ah loo arkin, balse door weyn ku leh jihada iyo natiijada dagaalka.Inkastoo awoodda Iiraan aysan la mid ahayn tan Maraykanka iyo Israa’iil, haddana waxay muujisay xeelado cusub oo ku dhisan sida dagaalka loo qaabeeyo iyo isticmaalka gantaalaha iyo drones-ka. Dhanka kale, inkastoo laga dilay hoggaan badan oo muhiim u ahaa, haddana waxay si degdeg ah uga soo kabatay iyagoo meesha ka saaray hadallo hore oo ahaa in dibadda laga maamuli karo cidda hoggaaminaysa Iiraan. Guud ahaan, dhacdooyinkan waxay tilmaamayaan farqi u dhexeeya sheegashooyinka siyaasadeed iyo xaqiiqada dhabta ah ee goobta dagaalka. 

Duqayntii Israa'iil ay ku qaaday goobaha shidaalka ee Iiraan makeenin guul militari oo cad, balse waxay isu beddeshay silsilad weerarro ah oo lagu bartilmaameedsaday danaha Maraykanka iyo xarumaha tamarta ee Khaliijka. Sidoo kale, Israa’iil lafteeda ayaa noqotay bartilmaameed joogto ah, iyadoo la beegsaday xarumo muhiim ah sida garoonka Ben Gurion, xarumaha tamarta, dekedaha iyo guud ahaan dalkaas oo dhan.

Natiijadu waxay noqota

  •  Khasaare labada dhinacba ah
  •  Kor u kac ku yimid qiimaha shidaalka
  • Muujinta nuglaanta dhaqaale ee gobolka

Dunida iyo dagaalka kaddib

“Dagaallada sida Iran iyo Israa’iil ma aha oo kaliya isku dhac goboleed; waxay muujinayaan isbeddel weyn oo nidaamka caalamiga ah ah. Dunidu waxay u guureysaa nidaam multipolar ah, halkaas oo awoodo badan ay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadda iyo amniga caalamka.”— Fareed Zakaria — CNN / The Washington Post


Hadalka Fareed Zakaria waxaa laga dheehan karaa, in dagaalkan uu yahay tusaale muujinaya isbeddelka nidaamka caalamiga ah, halkaas oo dunidu ka guureyso hal awood (Maraykan) una guureyso nidaam ay quwado badan sida Shiinaha, Ruushka iyo Yurub saameyn ku leeyihiin siyaasadda iyo amniga caalamka.

Dagaalka Iran, Maraykanka iyo Israel oo dhan ah, wuxuu xanbaarsan yahay khatar ah in dagaalku uu isu beddelo mid ballaaran, maadaama uu si fudud u soo jiidan karo quwado kale oo gobolka iyo caalamka ba, taasoo ka dhigaysa khilaafkan mid saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamiga ah.” — Gideon Rachman, Financial Times


Waxaa halkan ku jiro isweyddiimo ah, in marka la isku daro falanqaynta, ay kasoo bidhaamayaan, dhowr su'aalood:

1. Iiraan, ma noqon kartaa in loo aqoonsado miisaan cusub?

2. Maraykanka ma samayn doonaa, dib u habeyn istiraatiijiyadiisa caalamka?

3. Sida oo kale Israa'iil iyana dib u eegis ma ku samayneysaa siyaasadeed bariga-dhexe?

 

W.Q: Nimco Noor

Xigashoooyinka:

The perils of war with Iran

https://youtu.be/rY7oIpX8oQ0?is=weOF8munq7aXch8N

Trump calls NATO "cowards" over lack of support in Iran war | Reuters 

Can Iran’s regime survive the war? | Brookings

Living in a Multipolar World - by John J. Mearsheimer




Sunday, March 15, 2026

Aayahay dalalka Khaliijka iyo amnigooda

Muddo dheer dalalka Khaliijka Carabta waxay ku tiirsanaayeen Maraykanka si ay uga helaan difaac iyo dammaanad amni. Saldhigyo militari oo waaweyn oo Maraykan leeyahay ayaa laga dhisay dalal badan oo gobolka ku yaalla, iyadoo heshiisyadaas lagu saleeyay in Maraykanku difaaco gobolka, halka dalalka Khaliijkuna ay bixinayaan taageero dhaqaale iyo mid istaraatiiji.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda geopolitics-ka Bariga Dhexe ayaa isbeddelaysa. Su’aal waaweyn oo mudan ayaa soo baxaya: saldhigyada Maraykanka ma noqdeen kuwo dammaanaddii amni ee lagu heshiiyey laga helay, mise waxay noqdeen bartilmaameed dagaal?

Ma la joogaa waqtigii dalalka Khaliijka ay ka tashan lahaayeen aayahooda amni?

Xaaladdu waxay murugtay markii Maraykanku bilaabay in uu dadkiisa uga digay in ay ka baxaan qaar ka mid ah dalalka gobolka, isla markaana uu ku baaqay in muwaadiniinta Maraykanka iyo shaqaalaha safaaradaha ee aan muhiimka ahayn ay dalalkaas ka baxaan, haddii xiisaddu sii korodho. Talaabadan ayaa muujisay sida quwadaha waaweyn u diyaargaroobaan khataraha suurtagalka ah, balse waxay sidoo kale dhalisaa su’aal: haddii khatar jirto, yaa dhab ahaantii qaadi lahaa culayska ugu weyn iyo fulinta axdiyadii heshiis?

Casharro laga bartay taariikhda

Si loo fahmo dooddan maanta taagan, waxaa lagamamaarmaan ah in la xasuusto dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee sida weyn u saameeyay Bariga Dhexe.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa Kacaankii Iiraan ( Iranian Revolution), markii xukunkii Shah-ha la riday, taasoo beddeshay isku dheelitirkii siyaasadeed ee gobolka. Tan iyo markaas, xiriirka u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan wuxuu noqday mid aad u qalafsan.

Sidoo kale, dagaalkii Iran iyo Iraq ayaa ahaa mid ka mid ah dagaalladii ugu dheer ee gobolka, iyadoo quwadaha waaweyn ay door ku lahaayeen taageerada dhinacyadii dagaalamayey.

Sannadkii 1991, dagaalkii Goolofka (Gulf War) ayaa muujiyey sida Maraykanku u noqday quwadda militari ee ugu weyn gobolka, markii uu hoggaamiyay isbahaysi weyn kaasoo ka saaray ciidamadii Ciraaq dalka Kuwait.

Wixii intii ka dambeyey, weerarradii (September 11 attacks), Maraykanku wuxuu si weyn u kordhiyay joogitaankiisa militari ee Bariga Dhexe. Taasi waxay keentay dagaallo waaweyn sida dagaalkii Iraq ( Iraq War), kaasoo si qoto dheer u beddelay nidaamka siyaasadeed ee gobolka. 

Dhacdooyinkan taariikhiga ah ayaa weli saameyn ku leh sida dalalka Khaliijka ay u arkaan amnigooda iyo xiriirkooda quwadaha waaweyn.

Aragtiyada khubarada

Khubaro badan oo siyaasadda caalamka ku takhasusay ayaa ka digay ku tiirsanaanta buuxda ee quwad dibadeed. Waxaa ka mid ah aqoonyahanka ka tirsan jaamacadda  Harvard  Professor Stephen M. Walt wuxuu ku dooday in dalalka Khaliijka ay si xad-dhaaf ah ugu tiirsan yihiin Maraykanka, taas oo hoos u dhigtay awooddooda ay ku dhisi lahaayeen nidaam amni oo ka madaxbannaan ku tiirsanaan cid kale.

Aragti la mid ah waxaa qaba aqoonyahanka geopolitics-ka John J. Mearsheimer, oo sheegay in joogitaanka militariga Maraykanka mararka qaar uu kordhiyo xiisadaha halkii uu ka yareyn lahaa.

Sidoo kale falanqeeyaha siyaasadda Bariga Dhexe Trita Parsi ayaa sheegay in saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka ayaa noqdaan bartilmaameedyo sharci ah,sida ay Iiraan sheegtay, xiisadahan militari ee billowday, waxay halis geliyeen dalalka martida loo yahay ee Khaliijka.

Aragtiyada ka imanaya gobolka

Dhanka kale, hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei ayaa marar badan sheegay in ciidamada shisheeye ay yihiin sababta ugu weyn ee xiisadaha gobolka, isagoo ku adkaystay in amniga Bariga Dhexe ay xaqiijin karaan dalalka gobolka laftoodu. Sidoo kale taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Hossein Salami ayaa sheegay in saldhigyada militariga Maraykanka ay noqon bartilmaameed, haddii dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolka.

Dhanka Carabta, lataliyaha diblomaasiyadda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in gobolka u baahan yahay nidaam amni oo ay dalalka gobolka wada dhisaan. Isla hoggamiyayaasha carbeed oo uu ugu mansab weyn yahay dhaxalsugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa sheegay in dalalka gobolka ay doonayaan in ay xalliyaan khilaafaadkooda iyaga oo aan ku tiirsanayn dalal shisheeye.

Marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyay, waxaa muuqata daciifnimada nidaamkii amni ee ay dalalka Khaliijka ku tiirsanaayeen muddo dheer. Balaayiin doollar oo lagu bixiyay hub iyo heshiisyo difaac ayaa mararka qaar muujiyay in dammaanaddaas ay u muuqato hal bacaad lagu lisay ama  maahmaahda Soomaaliyeed tiraahdo: “Hu aadan lahayn kuma dhaxan tiro.” Taasi waxay iftiiminaysaa halista ay leedahay ku tiirsanaanta difaac dibadeed, kaasoo marnaba aan dammaanad qaadi karin in uu badbaadin karo ciddii magansatay.

Gunaanad

Marka la isku geeyo taariikhda gobolka, aragtiyada khubarada, iyo xaaladda maanta jirta, waxaa muuqata in dood cusub ay ka socoto Bariga Dhexe: ma la joogaa waqtigii dalalka Khaliijka ay dib u qiimeyn lahaayeen ku tiirsanaanta militari ee quwadaha dibadda?

Xaaladdan hadda taagan, dalalka Carabta ma u noqon kartaa fursad ay dib ugu eegaan heshiisyadii amni ee ay la galeen Maraykanka? Mase ku dhiiran karaan in ay gabi ahaanba laalaan heshiisayadaas?

Mustaqbalka dhow ayaa muujin doona in dalalkaasi sii wadi doonaan nidaamkii hore iyo ku tiirsanaanta quwadaha waaweyn, mise waxay bilaabi doonaan in ay dhistaan nidaam amni oo ay iyagu hoggaaminayaan?

Tani waa cashar cusub oo muujinaya in dowladaha yaryar aysan si buuxda ugu tiirsanaan karin dammaanad amni oo ka timaadda quwadaha waaweyn. Waa waayo-aragnimo ay dowlado badan wax ka baran karaan.

Xigashooyin iyo akhris dheeraad ah (Source)

https://academic.oup.com/ia/article/101/6/2193/8269677

https://www.belfercenter.org/publication/stephen-m-walt-us-iran-and-new-balance-power-persian-gulf 

https://feps-europe.eu/wp-content/uploads/2021/02/Pax-Americana-vs.-Inclusive-Security-in-the-Middle-East.pdf

W:Q. Nimco Noor



Wednesday, March 4, 2026

Geopolitics-ka Bariga Dhexe


         Yaa Ku Jabi doona Dagaalkan?

“Neef la gowracay geed kama waabto” maahmaahdan waxay tilmaamaysaa xaalad marka uu qof ama dal waqti dheer cadaadis iyo dhibaato ku jiro, in mararka qaar uu doorbido inuu halis qaado halkii uu sii ku sugnaan lahaa xaalladaas.

Iiraan in ka badan 40 sano ayay saarnaayeen cunaqabatayn dhaqaale iyo siyaasadeed. Cunaqabatayntaas dheer waxay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo nolosha dadka, waxayna sidoo kale abuurtay daldaloolo amni iyo jaajuusnimo, maadaama saboolnimadu mararka qaar dadka ku riixdo in ay noqdaan kuwo si fudud loo adeegsan karo. 

Intii danbe oo dhan Iiraan wadahadallo dhanka nabadda ayay raadisay, balse ma dhicin. Waxa lagu khasbay in ay isdhiibto, taasina ma ahayn mid u cuntamaysay.

https://drive.google.com/uc?export=view&id=1vAWsO_olDxAuXCDbNDIUqP1PR2C6zEaw

Hadda, xaaladda gobolka waxay u muuqataa mid gashay marxalad cusub. Dad badan oo Iiraaniyiin ah waxay qabaan aragti ah, mar haddii horeyba nolol adag ay ugu jirreen, khasaaro kale ma sii cabsi gelineysi. Taasi waxay kordhin kartaa diyaar u ahaanshaha iska caabin iyo dagaal jihaad ah.

https://drive.google.com/uc?export=view&id=1FXsXdXYyQ3LYAoBH3esCKrWqYE8ZSM9W

  Saameeya kooxo siyaasadeed (lobby groups)

Maraykan xulifadiisa ay Israa’iil ugu horreyso dagaal walbana galisaa, waxay horay u qoreen casharro wax laga bartay, sidaas darteed Iiran dabinkaas kuma dhacayso.

Waxaa aragtidaas isagana qaba John J. Mearsheimer Professor ka tirsan University of Chicago. Wuxuu ku doodaa in siyaasadda caalamka laga daalacdo Realism (awood iyo dano). Mearsheimer wuxuu sheegay in dagaal toos ah oo Maraykanku ku qaado Iiraan uu noqon karo khatar weyn oo gobolka oo dhan holcisa, isla markaana ay adkaan karto in si fudud loo xakameeyo danaha iyo siyaasadda Maraykanka.

Dagaallad uu galay Maraykanka iyo NATO dhammantood waxay ku salaysnaayeen danaha Israa’iil iyo kuwo dhaqaale oo ahaa qaab bililiqo., hadda se u muuqda in la kala haray oo waddamada reer Yurub ay wax ka barteen dhaawacyadii hore ay u geysteen waddamo badan oo aan noloshooda iyo jiritaankooda midna khatar ku ahayn, balse Israa'iil ay qori dab leh la wareegeyso.    Maraykanku xulufadiisii uu horay usii wadan jiray laguam wargelin dagaalkan, taasoo la' aaminsan yahay in Israa’iil ay sugi la’ayd in dagaalka Iiraan dib loo dhigo, ayna ka doorbidday in la dedejiyo dagaalka.  

Sida uu qabo qoraaga caanka ah Stephen M. Walt waxa uu yiri: “Siyaasadda Maraykanka ee Bariga Dhexe waxaa saameeya kooxo siyaasadeed (lobby groups) oo taageera Israa’iil. Saameyntaas mararka qaar waxay ku riixdaa Maraykanka inuu qaato go’aanno si gaar ah u taageera Israa’iil.”

Waxaa suuragal ah in saameynta Israa’iil ee siyaasadda Bariga Dhexe aysan ku koobnayn oo keliya lobby-yo siyaasadeed, balse ay ku lug yeelan karto arrimo sirdoon, xog ururin iyo cadaadis siyaasadeed (blackmail) oo lagu hayo qaar ka mid ah hoggaanka Maraykanka.

Aragtidan waxaan ku xoojinayaa doodaha la xiriira fadeexaddii Jeffrey Epstein, taas oo mararka qaar lagu tilmaamo in ay muujisay sida shabakado awood leh ay u heli karaan xog xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta siyaasadda.


          Khasaaraha laga filan karo

Marka la eego khasaaraha suuragalka ah, waxaan aaminsanahay, haddii dagaal ballaaran dhaco khasaaraha Maraykanka uu ka yaraan karaa kan Iiraan iyo Israa’iil, maadaama goobta dagaalka ugu badan ay noqon karto Bariga Dhexe. 

Dhanka Carabta, xaaladdu waa mid adag; dalal badan oo Carbeed ayaa leh khilaafyo gudaha ah, kala qaybsanaan siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, taasoo ka dhigaysa in aysan si fudud u samayn karin istaraatiijiyad mideysan.

Haddii xiisaddu sii socoto, hal khatar oo muuqata ayaa ah dagaal ka dhex qarxa dalalka Muslimiinta dhexdooda. Taasi waxay noqon kartaa xaalad ay si gaar ah dan ugu jirto Israa’iil, maadaama istaraatiijiyadda qaar ee gobolka lagu tilmaamo in ay ku dhisan tahay in cadowgu laysku jabsho.

Waa halkii Soomaalidu ay uga maahmaahi jirtay: “ Lafo geri iyagaa kaysku jabshaa.”

Taariikh ahaan, Israa’iil waxaa abuuray waddamad reer galbeedka 1948 isla markaana taageero ka hesha isla quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo dalal badan oo Yurub ah. 

Taageeradaas siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari waxay weli qayb weyn ka tahay isku dheelitirka awoodda ee gobolka.

                                      Yurub iyo ka cagajiidka dagaalka 

Qaar ka mid ah dowladaha Yurub si buuxda ugama maqna xiisadaha iyo dagaallada socda, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo sirdoonka. Si kastaba, waxaa muuqata kala duwanaansho ku saabsan heerka ay uga qayb qaadanayaan.

Dalka Jarmalka ayaa bixiyay taageero milatari iyo saldhigyo istaraatiiji ah, halka Ingiriisku mararka qaar muujiyay taxaddar iyo cagajiid. Spain, dhankeeda, waxay qaadatay mowqif fog iyo diidmo ku lug lahaanshaha tooska ah. Arrintan waxaa sii adkaynaya cadaadisyo kale oo istaraatiiji ah, sida dagaalka Ukraine iyo murannada la xiriira Greenland, kuwaas oo muujinaya in quwadaha caalamku ay mararka qaar kala jiitaan danahooda istaraatiijiga ah.

Kala duwanaanshaha mowqifyada Yurub wuxuu muujinayaa in qaar ka mid ah dowladaha aysan diyaar u ahayn inay si buuxda ugu biiraan jiho cusub oo dagaal, maadaama ay horeba ugu mashquulsan yihiin danahooda istaraatiijiga ah iyo khilaafaadyo kale.

                  Gebogebadii:

Marka la soo koobo, mustaqbalka dhow waxaa laga cabsi qabaa laba suurtagal:

  1. In xiisadda gobolka isu beddesho dagaal caalami ah oo ballaaran.

  2. In Iiraan si toos ah ama dadban u wajahdo dagaal ay ku lug yeeshaan dalal Carbeed iyo Israa’iil.

Haddii taasi dhacdo, dalalka Carabta waxay u baahan doonaan waqti dheer si ay dib ugu dhistaan awoodooda iyo dhaqaalahoodaba Israa’iil, dhankeeda, weli waxay ku socotaa istaraatiijiyaddii ay ku dhisnayd tan iyo markii la aasaasay.

Su’aasha ugu weyn ee hadhayna waa: 

Yaa dhab ahaantii ku jabaya marka colaadaha gobolka ay sii dheeraadaan, mise dhammaan dhinacyadu way khasaarayaan?

W:Q. Nimco Noor


Sunday, March 1, 2026

Dagaal Warmayaal Badan

  • Su’aasha ugu weyn ee isweyddiin mudan waa, dagaalka billowday xalay.

  • 28.2.2026 ka dhex qarxay Iran, Israa’iil iyo Maraykan oo isku dhinac ah, intee in le’eg ayuu socon doonaa? 
  • Dunida ma u jihaysiin doonaa jiho cusub? 
  • Ma sababi karaa burbur ku yimaada nidaamka hadda jira ee uu Maraykan hormuudka ka yahay? Tan iyo dagaalkii labadda kaddib (1945 ) Maraykanku wuxuu ahaa quwadda ugu weyn dunida dhanka militari, dhaqaale iyo siyaasad intaba. Ma dhici karaa, in  isbeddel lamafilaan ah uu dhaco? Kaasoo ku dhisan nidaam quwado badan oo awoodda wadaag. Mase dhici kartaa in Maraykan iyo Israa’iil ay ku fashilmaann dagaalkan? Ayna dhacdo, la mood noqon se weyday!

Cilmibaareyaasha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda caalamka, waxay leeyihiin aragtiyo kala duwan:

  • Qaar waxay qabaan in awoodda Maraykanka ay xilli hore hoos u dhacaday, gaar ahaan marka la eego koritaanka Shiinaha iyo kala qeybsanaanta gudaha Maraykanka.
  • Qaar kale waxay yiraahdaan, Maraykanku weli waa quwadda ugu weyn dunida xagga militari, dhaqaale iyo tiknoolaji intaba, sidaas darteed dagaallo kooban ma burburin karaan nidaamkii uu dhistay ilaa 1945.
  • Waxaa sidoo kale jirta aragti oranaysa in nidaamka dunidu si tartiib ah ugu wareegayo nidaam “multi-polar” ah (Awoodo badan oo siman), halkii uu ahaan lahaa mid ku dhisan hal awood xukunto inta kale.
     
  • Maxaa sababi kara in awoodo badan ay soo baxaan?
  • Maraykanku wuxuu ku jiray dagaallo isdabajoog ah laga soo bilaabo 1950-meeyadii ilaa maanta, gaar ahaan dagaalkii labaad ee adduunka wixii ka dambeeyey. Dagaalkii Vietnam (1955–1975) ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dheeraa, waxaana xigay dagaallo kale sida Kuuriya (1950–1953), Gacanka (1990–1991), Afghanistan (2001–2021) iyo Ciraaq (2003–2011). Sidaas darteed, muddo ka badan 70 sano ayuu Maraykanku si toos ah ama si dadban ugu lug lahaa dagaallo kala duwan.

    Dhanka qiimeynta, dagaalladan waxay Maraykanka ku yeesheen saameyn culus:

    • Dhaqaale ahaan: waxaa ku baxay trillions doolar

    • Ciidan ahaan: kumannaan askari ayaa dhintay, kuwo badanna way ka dhaawacmeen

    • Siyaasad ahaan: waxay kordhiyeen saamayntooda caalamiga ah, balse sidoo kale dhaliyey muran, dhaleeceyn iyo daciifnimo dhanka awoodda ah, taasoo sababi kara in uu samaysmo nidaamka “multi-polar”.

    “Jeffrey Sachs waa dhaqaalyahan iyo falanqeeye siyaasadeed oo si weyn u dhaliila siyaasadda faragelinta militari ee Maraykanka, gaar ahaan Bariga Dhexe. Aragtidiisa guud waxay tahay in tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa (1991) markii Midowgii Soofiyeeti (USSR) uu si rasmi ah u burburay. Maraykanku wuxuu isku dayay inuu ahaado hal quwad oo ka talisa dunida, balse istaraatiijiyaddaas ay dhalisay dagaallo, xasillooni darro iyo wiiqis ku timid sumcaddiisa caalamka.

    Jeffrey Sachs wuxuu ku doodaa in dagaallada iyo cunaqabateynta joogtada ah aysan keenin amni waara, balse ay kordhiyaan xiisadaha isla markaana mideeyneyso dalalka la cadaadiyo. Waa halkii maahmaahda Soomaaliyeed ay tiraahdo: “Rag ciil cadaab ka dooray”.

    Marka ay timaado arrimaha Iran iyo Bariga Dhexe, wuxuu aaminsan yahay in xal militari uusan xallin karin khilaafaadka qoto dheer, isla markaana uu halis u yahay in uu kiciyo isku dhacyo waaweyn oo goboleed ama xitaa mid caalami ah.

    Wuxuu sidoo kale dhaliilaa is ballaarinta NATO iyo tartanka quwadaha waaweyn, isagoo ku baaqaya in Maraykanku aqbalo in dunidu u wareegayso nidaam “multi-polar” ah oo ay quwado badan wadaagaan saameynta. Sida uu qabo Jeffrey Sachs mustaqbalka xasillooni lagu gaari karo wuxuu ku jiraa diblomaasiyad dhab ah, wada hadal iyo iskaashi caalami ah, halkii laga sii wadi lahaa istaraatiijiyad ku tiirsan awood militari oo joogto ah. Jeffrey Sachs wuxuu ka digayaa, in xaalku uusan noqon ninkii xoog leh ayaa xaajo u toostaa.    Dagaalka billowday, ma ahaan doono mid ku kooban Iiraan, Israa’iil iyo Maraykan oo keliya. Iiraan waxay saameyn ku leedahay dalal badan oo gobolka ah sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yemen, sidaas darteed colaadda si fudud ayay u noqon kartaa mid goboleed. Khasaaraha la filan karo waxaa ka mid noqon kara dhimasho iyo dhaawac rayid oo xad-dhaaf ah, burburka kaabayaasha dhaqaale, carqalad ku timaadda marinka Hormuz, iyo qiimaha shidaalka caalamka oo si weyn u kaca. Maadaama suuqyada tamarta uu lafdhabar u yihiin dhaqaalaha dunida, saameyntan kuma ekaan doonto gobolka oo keliya, balse waxay gaari doontaa Yurub, Aasiya iyo Maraykanka laftiisa.

    Dagaalkan, haddii laga guuleysto Iraan, walow aysan u ekeyn, haddana wuxuu sababi karaa barakac baaxad leh. Iiraan waa dal leh dad ka badan 90-92 milyan, sidaas darteed qaxooti tiro badan ayaa u qulquli kara dalalka deriska iyo Yurub. Taariikhda, waxan ka baranay in dagaallada Maraykanka iyo xulufadiisu ay abuurtay qaxooti si habqan ah ku yimaada Yurub. Arrinkaasi waxaa ka dhashay, xiisado siyaasadeed gudaha Yurub, kororka xagjirnimada iyo kala qaybsanaan ku timaaday Midowga Yurub.

    Ugu dambayn, su’aasha awoodda Maraykanka ayaa ah mid muhiim ah. Inkastoo Maraykanku weli yahay quwadda ugu weyn militari iyo dhaqaale ahaan. Sidaas darteed, su’aashu ma aha oo keliya in dagaal looga adkaado ama lagu wiiqo Iiraan, balse sidoo kale wuxuu u beddeli karo miisaanka awoodda iyo mustaqbalka nidaamka caalamiga ah.

    Maxaa hortaagan in Israa’iil kaligeed ay dagaallanto?

    1.  Muddo dheer waxaa naloo sheegay oo lagu celcelin jiray iyadoo aad loo buunbuuniyey in awoodda Israa’iil iyo nidaamkeeda difaacu uu yahay mid aan la loodin karin. Taasi beenoowday, dagaalkii bishii Juun 2025 wuxuu daboolka ka qaaday sawir ka duwan quraafaadkii dunida lagu indhosarcaadin jiray. Duqeymo waaweyn ayaa gaaray xarumo muhiim u ah Israa’iil, taasi waxay meesha ka saaraysaa sawirkii ah Buunbuunintaas oo beerka kala baxday waddamad Carabta oo lagu dhex abuuray Israa’iil.

    Arrinta kale ee la isweyddiin karo waa doorka dalalka taageeraya dagaal kasta oo ay Israa’iil gasho, taasoo ay ku dooneyso  hammiga ah Israa’iisha weyn. Tusaale ahaan, Israa’iil awood dad (human resource) oo ballaaran ma laha, waxay inta badan ku tiirsan tahay taageerada Maraykanka iyo qaar badan oo ka mid ah  dalalka Yurub. Difaaca Israa’iil ma ahaan mid ku eg awooddeeda qaran oo keliya, waxaa gadaal ka taagnaan nidaamka ballaaran ee xulafeysan, ee NATO intooda ugu awoodda badan.  

    Tirada ciidanka Israa’iil ama (qiyaas):

    • Ciidan joogto ah (active): ~170,000 askari
    • Kayd (reserve): ~450,000 askari

    Qaybaha ciidankooda

    • Ciidanka Dhulka
    • Ciidanka Cirka
    • Ciidanka Badda

    Sida oo kale Israaiil waxay leedahay nidaam ciidan oo ku dhisan askar qasab ah (conscription) iyo kayd si degdeg ah loo hawlgelin kar.

    Isbarbardhigga Iiraan iyo Israa’iil

    Iran waa mid ka mid ah dalalka leh taariikh bulsho, in ka badan 6,000 sano, iyada oo qarankooda la aasaasay 550 BC (Ciise hortiis)  iyo boqortooyooyin awood badan sida Achaemenid-kii ugu horreysay. Israa’iil iyo xulufadeedu, hadda waxay  donayaan in ay xididdada u siibaan sidii Ciraaq iyo Suuriya, Soomaaliya iyo dowlado badan oo Islmaa ah.  Dowladda Iiraan ayaa la sheegaa in ay tahay dowladda ugu dambaysay toddobo dowladooda oo Islaam ah kuwaas oo ku qornaa diiwaanka Maraykanka iyo xulufadiisa.

    Marka la eego isbarbardhigga tirada dadka iyo cimriga dowladnimo, waxaa muuqata farqi  baaxad weyn oo u dhexeeya Qaranka Iiraan iyo nidaamka Israa’iil. Iiraan waxay leedahay qiyaastii 90 milyan oo qof, halka Israa’iil ay leedahay ku dhowaad 9 ilaa 10 milyan (tirakoobkii 2025) taasoo ka dhigan in hal qof oo Israa’iili ah uu ku beegmayo ku dhowaad 9–10 qof oo Iiraani ah.

    Dhanka dowladnimada, Israa’iil waa dowlad la aasaasay 1948, sidaas darteed waxay jirtay ku dhowaad 77 sano. Iiraan se waxay leedahay taariikh dowladnimo oo qadiimi ah oo ka badan 2,500 sano, inkastoo qaabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee hadda la aasaasay 1979. Isbarbardhiggan wuxuu muujinayaa farqi ku saabsan miisaanka dad iyo qoto dheerida taariikhda dowladnimo ee labada dhinac.

    Degsiimadii Yuhuudda ee ugu horreysay (kahor 1948) Petah Tikva (1878) Rishon LeZion (1882). Tel Aviv (1909) Sawirkan waa xilligii dhaqdhaqaaqa Zionism ka hor intaan la aasaasin dowladnimadeedan hadda 1948.

    Saadaasha Awoodda Iiraan

    Ma dhici kartaa in Iiraan ay lasoo baxdo dagaalkan awood ka weyn tan la qiyaasayey?

    Inta badan taariikhda, cadaadis dibadeed oo muddo dheer wuxuu mideeyaa dadka iyo dalka gudaha ama wuu kala daadiyaa oo dhibka ayaa sookarta.

    Aragti ahaan waa suurtagal in Iiraan ay muujiso awood ka weyn tan ay qaar ka mid ah falanqeeyayaashu qiyaaseen, balse arrintu waxaa xoojinaya dhowr qodob.  iraan kadib dagaalkii Ciraaq (1980–1988) waxay si joogto ah u dhisaysay awooddeeda milateri, gaar ahaan difaac iyo gantaallo.

    Qiimeyn kooban:

    Tani waxay muujinaysaa in Iiraan ay ka baratay dagaalkii hore, isla markaana dooratay inay ka hortagto dagaal mustaqbalka ah halkii ay si toos ah u geli lahayd dagaallo cusub. Waxay xoogga saartay:

    difaac adag

    cabsi gelin (deterrence)

    dagaal dadban (proxy)

    Iiraan ma raadin dagaal toos ah, balse waxay dhisatay awood militari si ay uga hortagto weerar kasta oo suurtagal ah iyo inay kordhiso saamaynteeda gobolka.

    • Iiraan waxay hore u muujisay awood gantaal iyo drone oo aan la yaraysan karin.
    • Waxay leedahay shabakado goboleed iyo xeelado dagaal dadbanoo horay uga yaabiyay  Maraykan iyo Israa’iil.
    •  dagaalkii 12-ka maalmood, kaasoo Iiraan lagu kadiyey, hadda se ay u diyaargarowday.


      Tirada ciidankeeda Ciidan joogto ah (Artesh + IRGC) 550,000–610,000 Kayd (reserve) 350,000+ Basij: malaayiin la abaabuli karo.

      Awoodeeda gobolka.  Gantaallo ballistic ah oo tiro badan. Saameyn goboleed (Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Yemen.) Xayiraado dhaqaale oo saaran. Ciraaq: Taageeridda maleeshiyaad Shiico ah. Suuriya: Taageeridda xukuumadda Bashar al-Assad.  Lubnaan: Taageeridda Hezbollah.  Yemen: Taageero la xiriirta Xuutiyiinta. Gacanka Faaris: Hawlgallo badeed iyo cadaadis istaraatiiji ah.

    Maxay tahay ujeedka saldhigyo looga samaystay waddamad Carabta?

    Iiraan waxay si cad u sheegtay in, haddii Maraykanku iyo xulafadiisu kasoo weerar waddamada dariska ee ku yaal saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe ay noqon doonaan bartilmaameedka saxda ah. Waxay caddaysay, in aysan weerar ku qaadi doonin goobaha shacabka ayna ka fogaadaan saldhigyada ciidamada, laakiin ay beegsan doonto xarumaha milatari ee Maraykanku ku leeyahay gobolka.

    Iiraan ayaa horay u garaacday saldhigyada Mareykanka bishii June 2025, sida Al Udeid Air Base ee Qatar iyo Al-Asad Airbase ee Ciraaq kadib duqeymo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka ee Iiraan. Dagaalka maanta dhacyna wuu ka ballaran yahay hal goob oo kaliya oo duqaynta Iiran wey ka baaxad weynta tii 2025.

    Maraykanku wuxuu leeyahay dano gaar ah ee dhanka amniga gobolka, saldhigyo militari, ilaalinta marinnada tamarta, iyo xakameynta quwadaha kale (sida Ruushka iyo Shiinaha).
    Sidaas oo ay tahay, waxaa jiri karta in Maraykanku uu doonay in dagaalku uu ballariyo, si loo burburiyo waddamada Carabta dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba isagoo u adeegsanaya xeelad ah, in uu dagaalka  Iiran ooga duulo dalalkooda. Taasi waxay u tahay Maraykan iyo Israa’iil in ay heleen gacan kale oo dumisa, balse ay iyagu u abuureen collaadda.

    Saameyn istaraatiiji ah

    Haddii saldhigyada Maraykanku ay noqdaan bartilmaameed joogto ah. Waxaa kordhi kara khataraha ka dhaca saadka militari iyo howlgalada difaaca. Waxaana u suuragal noqon karta Iiraan in ay carqaladeyso howlgalada Maraykanka ee gobolka, taas oo saameyn ku yeelan karta hawlgallada militariga ee Israa’iil.Waxayna kor u qaadi kartaa xiisad gobalka si ballaaran taasoo keeni karta in dalal kale ay ku biiraan khilaafka.  

    Saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale

    Warbixinno falanqeynaya ayaa tilmaamaya in haddii dhulalka saldhigyada loo adeegsado dagaal, ay cadaadis xooggan ku keeni karto siyaasadda Mareykanka, iyadoo shacabka gudaha Maraykanku ay ka soo hor jeesan karaan dagaal shisheeye oo joogta ah.
    Waxaa suurtagal ah in la arko suuqyo tamar iadduunka oo sare u kaca, maadaama saldhigyadaas ku yaalaan  marinka shidaalka ee Iiraan maamush sida Hormuz. 

    Gebogeboadii

    Dagaalka u dhexeeya Iiraan, Israa’iil iyo Maraykan ma aha mid saameyn ku leh kaliya saddexdaas dal, balse wuxuu taaban karaa gobolka iyo dunida oo dhan. Haddii uu sii fido, wuxuu keeni karaa dhibaato dhaqaale, kor u kac qiimaha shidaalka iyo qalalaase amni.

    Dagaalku sidoo kale wuxuu saameyn karaa miisaanka awoodda dunida, maadaama dunidu u wareegayso nidaam ay quwado badan wadaagaan. Falanqeeyayaal badan waxay qabaan in xal milatari uusan keenin nabad waarta, balse wada hadal iyo diblomaasiyad ay yihiin jidka ugu wanaagsan ee lagu gaari karo xasillooni.
    W.Q: Nimco Noor
    Xigashooyinka qormada, halkan hoose ka daalaco.


    https://www.inss.org.il/publication/israel-iran-war-memorandum/

    https://www.youtube.com/watch?v=JjukFTmjt5

    https://eng.alzaytouna.net/2025/08/04/academic-paper-implications-of-the-us-israeli-offensive-on-iran-for-the-future-of-irans-regional-standing/

    https://www.washingtonpost.com/national-security/2026/02/23/dan-caine-iran-risk-trump/