Sunday, October 12, 2025

Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo

 Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo

Horumarinta tacliinta sare, waxay ku xiran tahay xoojinta iyo horumarinta afka hooyo

Afka hooyo waa lafdhabarta aqoonta, garaadka iyo hiddaha bulshada. Waa afka lagu fekero, lagu qiimeeyo adduunka, laguna kobciyo garaadka bulshada. Dal kasta oo horumar sameeya wuxuu dhisaa nidaam waxbarasho oo ku saleysan afka iyo dhaqanka degaanka ay leeyihiin.

Afka hooyo wuxuu astaan u yahay aqoonsiga, hal-abuurka iyo is-fahamka bulshada. Duulka wax ku barta af iyo aragti aan iyaga ka turjumeyn, waxay lumiyaan jiritaankooda, waxayna ku noolaadaan nolo aan madaxbanaani lahan, taasoo ah in mar walba ay magansadaan duulka wax u qoray.

Maahmaah baa ahayd: “inta aan sidii xoolihii laguula dhaqmin, waa in marka hore lagugu qanciyaa in aad xooo tahay” Waxaa la mid ah, marka lagugu qanciyo in afkaagu uusan noqon karin af tacliimeed, taas baddalkeedana aad u baahan tahay af kale oo ah midka aqoonta.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa caddeeyay in luqadda hooyo ay tahay furaha horumarka tacliinta sare. Faransiiska, Jarmalka, Japan, Shiinaha, Ruushka, iyo Kuuriyada Koonfureed oo dhammaantood leh jaamacado dunida ugu sarreeya, waxay wax ku dhigaan afkooda hooyo, iyagoo muujiyay in horumar aqooneed lagu gaari karo, kolka la dhowro afka iyo dhaqanka qaranka.

Waxbarashada Dalkeena iyo Afka Hooyo

Marka laga eego marxaladaha waxbarashada dalka, afka hooyo (Af-Soomaaliga) waxaa lagu dhigaa dugsiyada hoose, balse si tartiib tartiib ah ayuu u yaraadaa marka ardaygu u gudbi heerka dhexe iyo sare. Waxbarashada sare gabi ahaan, ama badiyaa waxaa wax lagu bartaa afafka qalaad sida Ingiriisi ama Carabi, iyadoo manhajyada badankoodu aanay si buuxda ugu tarjuman af-Soomaali.

Arrintani waxay keentay in arday badan ay bartaan aqoon aan la fahmin, maadaama luuqaddii asalka ahayd ay ee aqoonta lagu fahmi lahaa ay meesha ka baxday. Fahamka aqoonta waa inuu ku yimaadaa afka lagu fekero, lagu hammiyo laguna riyoodo, kaas oo ah afka hooyo.

Manhajyada Dalka iyo Kala Qoqobanaantooda

Soomaaliya wali ma laha manhaj mideysan oo heer qaran ah. Gobollada iyo dugsiyada gaarka ah ayaa adeegsada buugaag iyo agab waxbarasho oo u gaar ah, taas oo keentay in aqoontu noqoto mid aan isku tayo ahayn, soona saarta arday xambaarsan aragtiyo kala duwan. Kuwaas oo boqol sanno oo ee socota qilaaf aan dhamman sii gudbineysa, haddii aan degdeg wax looga qaban.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Qiimeyteeda afafka

Waxaa ayaandarro weyn ah in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah tiirkii aqoonta iyo aqoonyahannimada dalka in aanba afkeennu ahayn afafka takhasus ahaan loogu dhigto badi jaamacadaha dalka gaar ahaan Jaamacadda Umadda marka laga reebo in ay maaddo ahaan ugu dhigaan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda. Ogaalkeyga, hadda ayey billaabayaan takhasus master ah ama diblom sare

Halka madaxdii Dalka ay lasoo shirtagto barnaamijyo xoogga saaraya luuqadaha shisheeye sida Sawaaxiliga, halkii laga filaayey in xoogga iyo maalgelinta la saaro kor u qaadista iyo aqooneynta afka Soomaaliga. 

Sida uu horey u sheegay Allaha xafidee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil: ”ma jiro af aqooneed, balse dadka afkaas leh ayaa cilmiga ku qora ama jahliga ku qora.” Isaga oo sii wata ayuu yiri ”jahliga waa inaga ee afkeena maahan.”

Tani waxay calaamad u tahay jihada khaldan ee nidaamka waxbarashada, maadaama jaamacadda qaranku ay tahay meesha ugu mudan ee lagu ilaaliyo, lagu kobciyo, laguna hormariyo luuqadda iyo dhaqanka dalka. In la tixgeliyo luuqadaha deriska waa arrin wanaagsan, balse waa in aanay ku imaan dayaca afka hooyo. Haddii afkii aqoonta ee bulshada uu noqdo mid laga tago, waxay horseedaysaa in ummaddu noqoto mid garashadeeda iyo aqoontaheedu ay ku xirnaato duul kale, kuwaasoo usoo minguuriya, hadba wixii iyaga la qumman.

Haddaba, haddii aan eegno jaamacadaha ugu tacliinta sarreeya caalamka, dhammaantood waxay muujiyeen in horumarkooda cilmiyeed uu ku dhisan yahay xoojinta iyo horumarinta afkooda hooyo:

Haddaba, haddii aan eegno jaamacadaha ugu tacliinta sarreeya caalamka, dhammaantood waxay muujiyeen in horumarkooda cilmiyeed uu ku dhisan yahay xoojinta iyo horumarinta afkooda hooyo:

  • Faransiiska: Jaamacadaha Sorbonne University iyo École Normale Supérieure (ENS) waxay wax ku dhigaan Faransiis, iyadoo luqaddooda laga dhigay ay tahay mid ku habboon sayniska, falsafadda iyo culuumta kale.

  • Jarmalka: Heidelberg University iyo LMU Munich iyadana waxaa wax looga bartaa afka Jarmal. Waxay doorweyn ka qaadataa eray-bixinta, sayniska iyo horumarinta afkooda hooyo.

  • Japan: University of Tokyo iyo Kyoto University waxbarashadu waxay ku baxdaa af Jabaaniis, taas oo qayb ka noqotay awoodda halabuurnimo ee dalkaas.

  • Shiinaha: Peking University iyo Tsinghua University waxay ku dhiirrigeliyaan sidii af aqooneed, waxayna si tayo leh ku sameeyeen eray-bixinta cilmiga iyo tiknoolojiyadda.

  • Ruushka: Moscow State University waxay wax ku dhigtaa afka Ruushka, taasoo ka dhigtay in luqaddaasi noqoto mid caan ku ah cilmiga iyo falsafadda.

  • Kuuriyada Koonfureed: Seoul National University waxay wax ku dhigtaa Kuuriyaan, iyadoo dowladdu maalgelisay barnaamijyo lagu casriyeynayo luqadda si ay ugu qalanto cilmiga casriga ah.

Dalalkan waxay caddeeyeen in afka hooyo uusan caqabad ku ahayn horumarinta aqoonta, balse uu yahay furaha hal-abuurka iyo is-fahanka bulshada. Marka ardaygu uu ku barto cilmi sida, saynis ama falsafad afkiisa hooyo, fahamkiisu waa mid aad qotodheer, hal-abuurkiisuna waa mid si dhab ah loo hubo.

                              Ifafaalaha

Marka afka aqoonta laga dhigo mid shisheeye oo bulshadaasi aysan ku hadal, kuna kooban goobaha waxbarashada, waxaa dhasha dhibaatooyin dhowr ah:

  • Aragti aqooneed kooban. Waxaa hubal ah, in aysan siinaba uga haqab bixin cilmiga sayniska ama falsafadda. Aqoonta oo noqota mid nuqul ciriiriya oo aan lahayn faahfaahin: Ardaygu ma abuuro fikrad cusub, balse wuxuu kaliya nuqulaa waxa uusan si buuxda u fahmin ujedkooda dhabtaa.

  • Kalsoonidarro iyo is-diiddo dhaqan. Bulshada oo u aragta afkooda mid liidata, taasoo sababta hanjabka

                                       Gunaanad

Tayada waxbarashada dalkeena, lama hagaajin karo ilaa afka hooyo laga dhigo tiirka aqoonta. Waxaa lagamammaarmaan ah in la garwaaqsado, in afka hooyo uu yahay furaha horumarka, sida ay caddeeyeen jaamacadaha ugu caansan caalamka. Faransiis, Jarmal, Shiinaha, Japan, iyo Ruush oo dhammaantood muujiyey in aqoonta iyo hal-abuurka ugu sarreeya lagu gaari karo afka deegaanka. Afka hooyo ma aha oo kaliya qalab wax lagu barto ee waa aqoonsi, waa garaad, waa jiritaanka bulsho.

                                        Talo soo jeedin

  • In la taageero Akadeemiyada Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed si loo diyaariyo eray-bixin aqooneed.

  • In guud ahaan manhajka dalka lagu saleeyo af Soomaali af-aqooneed, lana mideeyo guud ahaan waxbarashada dalka. 

  • In jaamacadaha lagu dhiirrigeliyo cilmibaaris lagu sameeyo af Soomaaliga af-aqooneed si uu u noqdo afka tacliineed.

  • In Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay noqoto tiirka ugu weyn ee horumarinta afka Soomaaliga, halkii ay xoogga saari lahayd luuqadaha shisheeye.

  • In macallimiinta iyo ardaydu helaan tababaro iyo agab aqooneed af-Soomaali ku qoran si ay u helaan hanti iyo dhaxal jiilasha dhallan doona.

Xigashooyin

  • UNESCO (2023). Education in a Multilingual World.

  • QS World University Rankings (2025). Modern Languages & Linguistics.

  • DAAD Germany (2024). Study in Germany: Language of Instruction.

  • Campus France (2024). Étudier en France: Langue d’enseignement.

  • Study in Japan (MEXT, 2023). Language of Instruction.

  • China Admissions (2024). Language in Chinese Universities.

  • Study in Russia (2024). Medium of Instruction.

  • Study in Korea (2024). Language Policy in Korean Higher Education.

  • Brock-Utne, Birgit (2000). Whose Education for All? The Recolonization of the African Mind.

  • Skutnabb-Kangas, Tove (2009). Linguistic Genocide in Education.

https://www.topuniversities.com/university-subject-rankings/modern-languages?utm_source=chatgpt.com

________ WQ: Nimco Noor

Calaanka Soomaaliya: Hal-abuur Qaran Mise Isku Ekaansho Taariikhi ah

    Hordhac

Dunida maanta oo si xawli ah u horumartay, xogta iyo caddaymaha taariikhiga ah waa kuwo sahlan in la helo si loo sameeyo isbarbardhigo lana falanqeeyo. Teknolojiyadda casriga ah iyo helitaanka kaydka dhijitaalka ah waxay suurtagelinayaan in dib loo eego dhacdooyinkii hore, loona sameeyo baaritaan cilmiyeedyo qoto dheer. Mid ka mid ah mowduucyada u baahan i baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo waa asalka naqshadda calanka Soomaaliya, kaasoo si caad loo aqoonsaday maanta oo kale 71 sanno ka hor 12 Oktoobar 1954. Calankeenu wuxuu u taagan yahay midnimada, madax-bannaanida iyo astaanta Ummadda Soomaaliyeed. Sida ku qoran sooyaalka bulshada Soomaaliyeed waxaa hindisay Allaha u naxariistee Halgamaa Maxammed Cawaale Liibaan. 

Haddana waxaa jira shaki naqshadeed soo ifbaxaya, kaasoo tilmaamaya in naqshaddaasi laga yaabo in gebi ahaanba aysan cusbayn. Sababtuna waa isku ekaanshaha muuqaal ee u dhexeeya calanka Soomaaliya iyo naqshad horay loogu soo jeediyay dalka  Finland qarnigii 19aad, gaar ahaan intii lagu jiray (Suuriruhtinaskunnan Suuri Lippukeskustelu (1862–1863) – dooddii weynayd ee calan doorashada Finland.

Dood-cilmiyeedkan wuxuu soo saarayaa naqshad leh midab buluug khafiif ah iyo xiddig cad oo shan gees leh, kuwaas oo si buuxda  ugu eg calankeena. Ma jirto wax caddayn ah oo la hayo oo muujinaysa in Halgamaa Cawaale uu arkay naqshadaas hortiis jirtay. Waxaa se hubaal ah, in xiddigta cad ee ku taal calanka buluugga ah ay ahayd mid horey uga jirtay meelo kale oo Yurub ah. 

Waxaa la ogyahay in diblumaasiyiin, ururo caalami ah iyo la-taliyayaal ajnabi ah ay door ku lahaayeen samaynta astaamaha (calammada) dowladaha cusub ee Afrika xilligii gumeysiga kadib, taasoo sii xoojinaysa suurtagalnimada in dadkeenii xilligaas hoggaanka hayey aqoontaada oo koonbnayd darteed lagu khalday kolkii fikradaha la xulanayey. Qaar ka mid ah ilaha ayaa sheegaya in naqshadda calanka (buluug + xiddig cad) ay ahayd mid la doortay si degdeg ah, taas oo dhalisay su’aal ku saabsan asal ahaan fikradda iyo saamaynta kala duwan.

Naqshadda Calanka Soomaaliya

  • Calaanka Soomaaliya waa buluug khafiif ah oo leh xiddig caddaan ah oo shan gees leh bartamaha. (Wikipedia)

  • Xiddigga shanta gees waxa ay matashaa shanta gobol ee ay Soomaalidu leedahay (somaliland, Somalia, Ogadenia (Ethiopia), NFD (Kenya), iyo  Jabuuti). (CRW Flags)

Naqshadaha Hore ee Finland

  • Finland qarnigii 19aad iyo ilaa xilligii xornimada waxay jiray doodo badan oo ku saabsan calankeeda qaranka iyo calaamadaha matalaya. (Intermin)

  • Kala duwanaanshaha fikradaha calanka ayaa ka mid ahaa: midabo buluug + caddaan, naqshado leh astaamo xiddigo ama calamo leh fallaago (cross designs). (Wikipedia)

  • Finland doodda ugu horeysay ee ku saabsan calanka ayaa dhacday sanadihii 1862–1863, markaas oo dadweynaha iyo golaha baarlamaanka (Diet) ay ka doodayeen calan u gaar ah Finland iyadoo ay weli ku hos jirtay gacanta Ruushka. (leijonalippu.fi)

  • Inkasta oo fikrado kala duwan la soo bandhigay, ma jirin calan rasmi ah oo la ansixiyay ilaa Finland ay madax-bannaani qaadatay 1917–1918, markaas oo calan buluug iyo caddaan leh (matalaadda fallaagta “Scandinavian cross”) uu noqday kan la aqbalo. (Wikipedia)

Isku ekaanshaha muuqaalka, midabka buluuga ah iyo astaanta xiddigta ayaa keeni kara in naqshadda calanka Soomaaliya aysan si buuxda u noqon mid gebi ahaanba cusub, laakiin ay ka mid tahay  muuqaal calaamadeed oo caalami ah.

Gunaanad iyo Talo soo jeedin

Marka la eego xogta hadda jirta iyo isbarbardhigyada muuqda, waxaa muhiim ah in la sameeyo cilmi-baaris rasmi ah, madax-bannaan oo taariikheed, taas oo lagu baarayo isirkii iyo isbeddelladii naqshadaha calamo ee dunida ka jiray qarnigii 19aad ilaa bartamihii qarnigii 20aad.
Baaritaankan waa in uu ka koobnaadaa:

  • Raadraac sawirro iyo qoraallo asalka ah ee ku jira kaydka Finland, Qaramada Midoobay iyo ururradii gumeysiga.

  • Falanqayn isbarbardhig naqshadeed oo lagu ogaanayo in ay jirto xiriir muuqaal ama fikradeed.

  • Dood cilmiyeed oo mideysa taariikhyahanno Soomaaliyeed iyo ajaanib, si loo gaaro natiijo caddayn iyo aqoon ku dhisan.

Sida oo kale in aan loo arag su’aal siyaasadeed, balse loo arkaa aragti hubaal raadis ah oo u baahan baaritaan iyo isbarbardhig taariikheed. Ujeedada qormadan waa in la isbarbar dhigo calaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah naqshadaha hore ee Finland, lana baaro suurtogalnimada in naqshadda Soomaali ay saamayn ama is-dhaaf la yeelatay fikrado qaran oo hore.

Xigashooyinka 

Calaanka Soomaaliya

Ministry of Foreign Affairs of the Federal Republic of Somalia. (n.d.). Flag Day: The Somali national flag.
Retrieved October 12, 2025, from https://web.mfa.gov.so/flag-day/

United Nations. (1954). Admission of the Somali Republic to membership in the United Nations. United Nations Archives.
Retrieved from https://www.un.org/en/about-us/member-states/somalia

Wikipedia contributors. (2025, September 10). Flag of Somalia. In Wikipedia, The Free Encyclopedia.
Retrieved October 12, 2025, from https://en.wikipedia.org/wiki/Flag_of_Somalia

Naqshadaha Hore ee Finland

Finnish Ministry of the Interior. (n.d.). History of the Finnish flag.
Retrieved October 12, 2025, from https://intermin.fi/en/flag-and-arms/about-the-flag/history-of-the-flag

Leijonalippu.fi. (n.d.). 1860-luku – Suuriruhtinaskunnan liput ja lippukeskustelu.
Retrieved October 12, 2025, from https://www.leijonalippu.fi/en/1860-luku.html

Wikipedia contributors. (2025, September 5). Flag of Finland. In Wikipedia, The Free Encyclopedia.
Retrieved October 12, 2025, from https://en.wikipedia.org/wiki/Flag_of_Finland

Crwflags.com. (n.d.). Somalia – National Flag.
Retrieved October 12, 2025, from https://www.crwflags.com/fotw/flags/so.html

Wikimedia Commons. (n.d.). Historical flags of Finland (1860–1918).
Retrieved October 12, 2025, from https://commons.wikimedia.org/wiki/Flags_of_Finland

Saturday, October 11, 2025

Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo

Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo
Horumarinta tacliinta sare, waxay ku xiran tahay xoojinta iyo horumarinta afka hooyo

Afka hooyo waa lafdhabarta aqoonta, garaadka iyo hiddaha bulshada. Waa afka lagu fekero, lagu qiimeeyo adduunka, laguna kobciyo garaadka bulshada. Dal kasta oo horumar sameeya wuxuu dhisaa nidaam waxbarasho oo ku saleysan afka iyo dhaqanka degaanka ay leeyihiin.

Afka hooyo wuxuu astaan u yahay aqoonsiga, hal-abuurka iyo is-fahamka bulshada. Duulka wax ku barta af iyo aragti aan iyaga ka turjumeyn, waxay lumiyaan jiritaankooda, waxayna ku noolaadaan nolo aan madaxbanaani lahan, taasoo ah in mar walba ay magansadaan duulka wax u qoray.
Maahmaah baa ahayd: “inta aan sidii xoolihii laguula dhaqmin, waa in marka hore lagugu qanciyaa in aad xooo tahay” Waxaa la mid ah, marka lagugu qanciyo in afkaagu uusan noqon karin af tacliimeed, taas baddalkeedana aad u baahan tahay af kale oo ah midka aqoonta.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa caddeeyay in luqadda hooyo ay tahay furaha horumarka tacliinta sare. Faransiiska, Jarmalka, Japan, Shiinaha, Ruushka, iyo Kuuriyada Koonfureed oo dhammaantood leh jaamacado dunida ugu sarreeya, waxay wax ku dhigaan afkooda hooyo, iyagoo muujiyay in horumar aqooneed lagu gaari karo, kolka la dhowro afka iyo dhaqanka qaranka.

Waxbarashada Soomaaliya iyo Afka Hooyo
Marka laga eego marxaladaha waxbarashada dalka, afka hooyo (Af-Soomaaliga) waxaa lagu dhigaa dugsiyada hoose, balse si tartiib tartiib ah ayuu u yaraadaa marka ardaygu u gudbi heerka dhexe iyo sare. Waxbarashada sare gabi ahaan, ama badiyaa waxaa wax lagu bartaa afafka qalaad sida Ingiriisi ama Carabi, iyadoo manhajyada badankoodu aanay si buuxda ugu tarjuman af-Soomaali.
Arrintani waxay keentay in arday badan ay bartaan aqoon aan la fahmin, maadaama luuqaddii asalka ahayd ay ee aqoonta lagu fahmi lahaa ay meesha ka baxday. Fahamka aqoonta waa inuu ku yimaadaa afka lagu fekero, lagu hammiyo laguna riyoodo, kaas oo ah afka hooyo.

Manhajyada Dalka iyo Kala Qoqobanaantooda

Soomaaliya wali ma laha manhaj mideysan oo heer qaran ah. Gobollada iyo dugsiyada gaarka ah ayaa adeegsada buugaag iyo agab waxbarasho oo u gaar ah, taas oo keentay in aqoontu noqoto mid aan isku tayo ahayn, soona saarta arday xambaarsan aragtiyo kala duwan. Kuwaas oo boqol sanno oo ee socota qilaaf aan dhamman sii gudbineysa, haddii aan degdeg wax looga qaban.

Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed iyo qaddarinta afafka

Waxaa nasiib darro weyn ah in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah tiirkii aqoonta iyo aqoonyahannimada dalka ay la soo shirtagto barnaamijyo xoogga saaraya luuqadaha shisheeye sida Sawaaxiliga, halkii laga filaayey in xoogga iyo maalgelinta la saaro kor u qaadista iyo aqooneynta afka Soomaaliga. Tani waxay calaamad u tahay jihada khaldan ee nidaamka waxbarashada, maadaama jaamacadda qaranku ay tahay meesha ugu mudan ee lagu ilaaliyo, lagu kobciyo, laguna hormariyo luuqadda iyo dhaqanka dalka.

In la tixgeliyo luuqadaha deriska waa arrin wanaagsan, balse waa in aanay ku imaan dayaca afka hooyo. Haddii afkii aqoonta ee bulshada uu noqdo mid laga tago, waxay horseedaysaa in ummaddu noqoto mid garashadeeda iyo aqoontaheedu ay ku xirnaato duul kale, kuwaasoo usoo minguuriya, hadba wixii iyaga la qumman.

Haddaba, haddii aan eegno jaamacadaha ugu tacliinta sarreeya caalamka, dhammaantood waxay muujiyeen in horumarkooda cilmiyeed uu ku dhisan yahay xoojinta iyo horumarinta afkooda hooyo:

Haddaba, haddii aan eegno jaamacadaha ugu tacliinta sarreeya caalamka, dhammaantood waxay muujiyeen in horumarkooda cilmiyeed uu ku dhisan yahay xoojinta iyo horumarinta afkooda hooyo:

Faransiiska: Jaamacadaha Sorbonne University iyo École Normale Supérieure (ENS) waxay wax ku dhigaan Faransiis, iyadoo luqaddooda laga dhigay ay tahay mid ku habboon sayniska, falsafadda iyo culuumta kale.
Jarmalka: Heidelberg University iyo LMU Munich iyadana waxaa wax looga bartaa afka Jarmal. Waxay doorweyn ka qaadataa eray-bixinta, sayniska iyo horumarinta afkooda hooyo.
Japan: University of Tokyo iyo Kyoto University waxbarashadu waxay ku baxdaa af Jabaaniis, taas oo qayb ka noqotay awoodda halabuurnimo ee dalkaas.
Shiinaha: Peking University iyo Tsinghua University waxay ku dhiirrigeliyaan sidii af aqooneed, waxayna si tayo leh ku sameeyeen eray-bixinta cilmiga iyo tiknoolojiyadda.
Ruushka: Moscow State University waxay wax ku dhigtaa afka Ruushka, taasoo ka dhigtay in luqaddaasi noqoto mid caan ku ah cilmiga iyo falsafadda.
Kuuriyada Koonfureed: Seoul National University waxay wax ku dhigtaa Kuuriyaan, iyadoo dowladdu maalgelisay barnaamijyo lagu casriyeynayo luqadda si ay ugu qalanto cilmiga casriga ah.

Dalalkan waxay caddeeyeen in luqadda hooyo aysan caqabad ku ahayn horumarinta aqoonta, balse ay tahay furaha hal-abuurka iyo is-fahanka bulshada.
Marka ardaygu barto cilmi, saynis ama falsafad afkiisa hooyo, fahamkiisu waa mid qoto dheer, hal-abuurkiisuna waa mid si dhab ah loo hubo.

Dalalkan waxay caddeeyeen in luqadda hooyo aysan caqabad ku ahayn horumarinta aqoonta, balse ay tahay furaha hal-abuurka iyo is-fahanka bulshada.
Marka ardaygu barto cilmi, saynis ama falsafad afkiisa hooyo, fahamkiisu waa mid qoto dheer, hal-abuurkiisuna waa mid si dhab ah loo hubo.

Ifafaalaha

Marka afka aqoonta laga dhigo mid shisheeye oo bulshadaasi aysan ku hadal, kuna kooban goobaha waxbarashada, waxaa dhasha dhibaatooyin dhowr ah:

Aragti aqooneed kooban. Waxaa hubal ah, in aysan siinaba uga haqab bixin cilmiga sayniska ama falsafadda. Aqoonta oo noqota mid nuqul ciriiriya oo aan lahayn faahfaahin: Ardaygu ma abuuro fikrad cusub, balse wuxuu kaliya nuqulaa waxa uusan si buuxda u fahmin ujedkooda dhabtaa.

Kalsoonidarro iyo is-diiddo dhaqan. Bulshada oo u aragta afkooda mid liidata, taasoo sababta hanjabka

Gunaanad

Tayada waxbarashada dalkeena, lama hagaajin karo ilaa afka hooyo laga dhigo tiirka aqoonta. Waxaa lagamammaarmaan ah in la garwaaqsado, in afka hooyo uu yahay furaha horumarka, sida ay caddeeyeen jaamacadaha ugu caansan caalamka. Faransiis, Jarmal, Shiinaha, Japan, iyo Ruush oo dhammaantood muujiyey in aqoonta iyo hal-abuurka ugu sarreeya lagu gaari karo afka deegaanka. Afka hooyo ma aha oo kaliya qalab wax lagu barto ee waa aqoonsi, waa garaad, waa jiritaanka bulsho.

Talo soo jeedin

In la taageero Akadeemiyada Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed si loo diyaariyo eray-bixin aqooneed.
In guud ahaan manhajka dalka lagu saleeyo af Soomaali af-aqooneed, lana mideeyo guud ahaan waxbarashada dalka.
In jaamacadaha lagu dhiirrigeliyo cilmibaaris lagu sameeyo af Soomaaliga af-aqooneed si uu u noqdo afka tacliineed.
In Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay noqoto tiirka ugu weyn ee horumarinta afka Soomaaliga, halkii ay xoogga saari lahayd luuqadaha shisheeye.
In macallimiinta iyo ardaydu helaan tababaro iyo agab aqooneed af-Soomaali ku qoran si ay u helaan hanti iyo dhaxal jiilasha dhallan doona.

Xigashooyin

UNESCO (2023). Education in a Multilingual World.
QS World University Rankings (2025). Modern Languages & Linguistics.
DAAD Germany (2024). Study in Germany: Language of Instruction.
Campus France (2024). Étudier en France: Langue d’enseignement.
Study in Japan (MEXT, 2023). Language of Instruction.
China Admissions (2024). Language in Chinese Universities.
Study in Russia (2024). Medium of Instruction.
Study in Korea (2024). Language Policy in Korean Higher Education.
Brock-Utne, Birgit (2000). Whose Education for All? The Recolonization of the African Mind.
Skutnabb-Kangas, Tove (2009). Linguistic Genocide in Education.

https://www.topuniversities.com/university-subject-rankings/modern-languages?utm_source=chatgpt.com

_________________ WQ: Nimco Noor