Saturday, April 5, 2025

QIIMAHA AFKA HOOYO


Afka hooyo waa hantida ugu sarreysa ee qofku yeesho, waana aasaaska aqoonsiga, dhaqanka iyo isku xirka bulshada. Waa oraahda ugu horreysa ee qofku ku barto nolosha, una sahasha fahamka dunida iyo xiriirka bulshadiisa. Dad badan oo cilmiga afafka, dhaqanka, iyo barbaarinta carruurta wax ka qora waxay isku raacsan yihiin in afka hooyo uu leeyahay qiyam aad u weyn oo ay tahay in la dhawrto, gaar ahaan dadka ku nool qurbaha.

Pia Bärlund waa maamulaha adeegyada waxbarashada ee luqadaha iyo dhaqamada magaalada Jyväskylä. Waxay si gaar ah diiradda u saartaa taageeridda barashada afka hooyo iyo waxbarashada ardayda ajnabiga ah.

Waxay si qoto dheer uga hadashay qiimaha afka hooyo, waxayna tiri: “Waalid walba ma awoodaan in ay carruurtooda uga tagaan dhaxal hanti ah sida dahab, dhayman, lacag ama guryo, laakiin waxaan carruurteena uga tagi karnaa dhaxalka ugu wanaagsan, waana afkooda hooyo.”

Hadalkan wuxuu muujinayaa in dhaxalka ugu qaalisan ee waalidku carruurtiisa uga tagi karo uusan ahayn hanti la taaban karo, balse uu yahay afka hooyo oo ah dareenka lagu gudbiyo dhaqanka, aqoonta, iyo xiriirka bulshada.’

Muhiimadda Afka Hooyo ee Qurbaha

Dadka qurbaha ku nool, afka hooyo wuxuu kaalin weyn ka qaataa ilaalinta isku xirka qoyska iyo dhaqanka.

Ngũgĩ wa Thiong’o qoraaga caanka ah ee reer Kenya, wuxuu hoosta ka xariiqay in afka hooyo uu saldhig u yahay xornimada maskaxda iyo jiritaanka bulsho kasta. Buuggiisa (Decolonising the Mind) wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay muhiimka u tahay in bulsho walba ilaaliso afkeeda hooyo si ay u sii jirto.

“Luminta afka hooyo ma ahan oo kaliya in la waayo xiriir qoys iyo qaraabo, balse waa in la weynayo qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka iyo aqoonsiga bulsho. Afka hooyo waa hanti qaran oo mudan in la ilaaliyo, loona gudbiyo jiilasha soo socda si loo hubiyo sii jiritaanka iyo hodantinimada dhaqanka.
Sida uu tilmaamay cilmibaare David Crystal buuggiisa (Language Death) luminta af hooyo waxay lamid tahay luminta dhaxal dhaqameed qoto dheer, taasoo dhalin karta in bulshooyinku lumiyaan aqoonsigooda iyo taariikhdooda”.



Afka Hooyo iyo Xiriirka Qoyska

Afka hooyo waa xiddidka nolosha iyo ahaanshaha qofka, sida xarigga ebeda uu ugu xiran tahay ilmaha uurka ku jira, una suurtaggeliso noloshiisa inta uu ku jiro uurka hooyada. Haddii xarigga (ebida) la gooyo, ilmaha ma noolaan karo; sidaas oo kale; marka qofku uusan aqoon afkiisa hooyo wuxuu luminayaa kaalintiisii ahaansho iyo lahaansho ee dhaqankiisa iyo bulshadiisa.

Afka hooyo waa habka lagu gudbiyo taariikhda, hiddaha, halka laga yimid iyo haybta uu ku abtirsado. Xiddidku wuxuu geedka siiyaa nafaqada iyo biyaha uu kasoo nuugo dhulka, kolkaas ayay laamuhu doogsadaan oo uu miro dhalaa. Sidaas si la mid ah afka hooyo wuxuu kobciyaa garaadka iyo laxawga qofka nool.

Noam Chomsky oo ah cilmibaare caan ku ah cilmiga afafka, wuxuu si qoto dheer u falanqeeyay muhiimadda afka hooyo ee kobcinta garaadka iyo aqoonta. Aragtidiisa ku saabsan Naxwaha Guud (Universal Grammar) waxay tilmaamaysaa in awoodda barashada luqadda ay tahay mid dabiici ah oo ku jirta maskaxda aadanaha, taasoo ka dhigaysa afka hooyo saldhigga horumarinta garaadka iyo fahamka.

Dhanka kale, marka ilmuhu uusan aqoon u lahayn afkooda hooyo, wuxuu lumiyaa marka koowaad kalsoonida naftiisa, taasoo saameynaysa awooddiisa xiriirka qoys iyo bulsho. Tani waxay keenaysaa in ilmuhu uu dareemo go’doon iyo kala fogaansho, gaar ahaan qurbaha, halkaas oo dhaqamada kale ay saameyn weyn ku yeeshaan ilmahaas.

Faa’iidooyinka Barashada iyo Ilaalinta Afka Hooyo

Afka hooyo wuxuu fududeeyaa isku xirka qoyska, xoojinta xiriirka waalidka iyo carruurta.
Dhaqanka iyo aqoonsiga afka hooyo wuxuu qofka siinayaa kalsooni asalnimo, hayb ku dhisan jirrid ahaansho iyo midda lahaansho. Dhanka kale barashada afka hooyo waxay caawisaa horumarka garaadka, waxayna fududeysaa fahanka, ballarinta, isku beddelashada erayada afafka kale.
Wuxuu sahlaa xiriirka bulshada dhexdeeda, isagoo suurtaggal ka dhiga in la wadaago xikmadaha, waayo-aragnimada, dhacdooyinka, sooyaalka iyo dhaqanka intaba.


Afka Hooyo iyo Xiriirka Bulshada Qurbaha

Qofka qurbaha ku nool ee si fiican u yaqaan afkiisa hooyo, wuxuu si fudud dib ugu laaban karaa dalkiisii, marka loo eego qofka lumiyay xididdadiisa luqadeed. Dib ugu noqoshada dalka hooyo waxa ay dad badan ugu suurtaggeli kartaa iyagoo ku faraxsan, marka ay afkooda hooyo yaqaanan, waayo ma jiro xayndaab is fahanwaa oo ay ka walwalyaan. Afka hooyo waa door muhiim ah oo xagga bulshada iyo barbaarinta. Waa lamahuraan si ay carruurta iyo waalidkood isu fahmaan. Ayaandarradu waa, haddii jiilasha kala duwan aysan is fahmin, cawaaqibta ka dhalan kara waxay noqon karaan mid murugo iyo kala go’ ah. Dhismaha waddaniyadda iyo soosaarista bulsho mideysan, waxaa saldhig u ah afka hooyo oo la horumariyo.

Gunaanadka

Afka hooyo waa tiirka ugu muhiimsan ee isku xira qofka iyo bulshadiisa, isagoo siinaya xiriir gun weyn leh dhaqan iyo is aqoonsiba, wuxuuna ka badbaadin karaa in uu ku dhaco isirwalaac. Sida geed aan xidid lahayn u dhinto, qof aan aqoon afkiisa hooyo wuxuu luminayaa xiriirka uu la leeyahay ehelkiisa iyo bulshada uu ka soo jeedo, taasoo keeni karta kalinimo iyo dareen la’aan asalnimo.

Si loo ilaaliyo afka hooyo, waa muhiim in:

• Waalidiintu waa in ay ku hadlaan afkooda hooyo markay la joogaan carruurtooda.

• In la dhiirrigeliyo in carruurtu akhriyaan buugaagta afkooda hooyo ku qoran.

• In la abuuro jawi ay carruurtu ku sheekeystaan afkooda hooyo, si ay u helaan xirfad sare oo afeed.

• Barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo dhaqameed loo sameeyo carruurta qurbaha ku nool.

Ilaalinta afka hooyo waa masuuliyad saaran bulsho walba, waana dhaxal aad qaali u ah oo ay tahay in jiil walba uu sii gudbiyo.

Waalidiintu in ay si firfircoon carruurtooda ugu dhiirrigeliyaan barashada iyo adeegsiga afkooda hooyo, si ay u yeeshaan is-aqoonsi buuxa oo ay ula jaanqaadi karaan nolol kasta oo ay la kulmaan, siiba qurbaha.












Doorka Suugaantu ku Leedahay Barbaarinta



Bulshooyinka ku nool dunida waxay leeyihiin dhaqamo, caadooyin, iyo suugaan gaar u ah.Kuwaas oo laga dheehdo qaabka lagu cabbiri karo nolosha, dhaqanka, iyo hiddaha ay bulshadaasi aaminsan tahay.

Suugaantu waxay noqotaa dariiq ay bulshooyinku ugu gudbiyaan jiilasha soo koraya fikradaha, qiyamka, iyo hab-nololeedka.

Suugaanta carruurta oo ay ku jiraan “Heeesaha, sheeko xariirooyinka iyo ciyaaraha wadareedka, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hidaha iyo dhaqanka bulsho walba.

Waxay fure u tahay kobcinta garaadka, waana halka laga nafaqeeyo akhlaaqda, iyo dhaqanka ilmaha, iyadoo tiir u ah dhismaha aragtida ilmaha ee ku aaddan nolosha iyo xiriirka bulsheed.

Qormadan ayaa ah  qormo qaab cilmiyeed oogu lafogurayo suugaanta carruurta, waxaan diiradda ku saarayaa suugaanta Soomaalida ee ilmaha yaryar, gaar ahaan faa'iidada iyo dhibaatada ay leedahay kuwooda togan ama taban. Waxaan si gooni ah ugu falanqeyn doonaa sida suugaantu u saameyso barbaarinta ilmaha iyo guud ahaan bulshada. Sidii loo xoojin lahaa tabinta togan ee carruurta, si loo hagaajiyo hab-dhaqanka wanaagsan ku haga bulshadeena dhaqan iyo diinba.

Faa’iidada Suugaanta Togan ee Carruurta

Soomaalidu waa dad garaad ahaan sarreeya. Af Soomaaliguna  uu yahay af hodan ku ah suugaanta carruurta. Arrinkaas waxaa caddayn u ah, in  maanta waddamada horumaray ay ka hadlayaan barbaarinta togan ee ubadka, iyagoo bogaadinaya muhiimadda ay leedahay in lagala sheekaysto ilmaha dareen laxawga (Emotional intelligence) ee uu ku sugan yahay.  Waxaa soo baxaya in suugaanta carruurta ee Soomaalidu ay goor hore lahayd laxow-dhaadasho iyo in ilmaha lala dareen-waraysto. Jidka taa loo maraana waxay ahayd suugaanta carruurta lagu maaweeliyo.

Hobeey, hobeeyaa, hobeeyaa

Hooyo maxaad weydood la waalan

Ma geelibaa arooray?

Arooro oon ku raagay;

Ma aabbaa kaa socdaalay

Socdaaloo safar ku raagay

Ma naaskiibaa gabnooday?

Gabnoodoo godal ka weyday;

Heestan hobeeyadu waxay tilmaamaysaa qiimaha ay leeyihiin waalidka, xoola iyo is- xogwaraysiga, taasoo muhiim u ah ilmaha lagu baro isbeddelka xaaladaha nolosha. Waa weydiimo ilmaha lagu barayo dulqaadka iyo tababar adkeysiga, marka noloshu adkaato.

Hobeeyada ayaa ka mid ah kuwa Soomaalida reer guuraaga ah ay kula hadlaan ubadka yaryar. 

Hooyo ayaa gudbinaysa farriimo muhiim ah oo la xiriira kaalinta hooyada, xoolaha iyo isku duubnida qoyska. Waxay tusaalaynaysaa xaaladaha nolosha ee xoola dhaqatonimada. Sidoo kale waxay sawir buuxa ka bixisaa aragtida iyo hab-dhaqanka qayb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Suugaanta Carruurta iyo Dhaqanka Bulshada

Waxay muujineysaa sida waalidka uu mid walba ugu kaalmeeyo carruurta. Aabbaha iyo hooyadu waxay ilmaha siinayaan xoolaha ay wataan (nirig iyo nayl) waxay muujineysa sida aan wax looga hagran ilmaha.

Miraha;  "Alla dheeriyaa oo dhuxusha ka madoobiyaa" ayaa ah tusaale farxadda iyo qanacsanaanta bulshadii hore. Waxay carruurta ku abuuraysay dareen kalsooni oo ku qotoma is-ahaanshaha, qaddarinta, dhaqanka iyo hodantinimada, iyagoo u arkayay in reerkoodu yahay mid isku filan oo wax walba u haya.

Hees carruureedka “Alla dheeriyaa

Alla dheeriyaa, oo dheeriyaa!

Dhuxusha ka madoobiyaa

Aabbahay baan arkaa

Hal iyo nirig buu wataa!

Hooyaday baan arkaa

Lax iyo nayl bay waddaa

Aabbe nirigtuu i siin.

Hooyo nayshay i siin

Alla dheeriyaa oo dheeriyaa oo

dhuxush ka madoobiyaa!

Waxay ka tarjumaysay dhaqankii Soomaalida ee ku saleysanaa kalsoonida iyo hodantinimada, iyadoo ilmaha tusaysay in qoysku yahay mid aan waxba ka hagran.

Suugaanta carruurta ee togan, waxay ilmaha ku abuureysay dareen ku saleysan kalsooni iyo is-aamin qofeed. Fariimaha tilmaamaya hantida, qabka, midab iyo muuqaalka. Waa caddahay in ay ku guntanaayeen isirkooda ayna kaalin weyn ka qaadatay kalsoonida bulshada. Waxaana halka ka xaqiiqasanynaa sababta ay Soomaalidii hore u ahaayeen dad han iyo qab leh.


 Murtida ku Jirta Dhaxalka iyo Barbaarinta Hooyada

Hooyooyinka Soomaaliyeed waxay saamayn weyn ku lahaayeen gudbinta suugaanta carruurta, gaar ahaan "hobeeyada" Heesaha hobeeyada qaarkood waxay si maldahan ugu gudbin jireen ilmaha farriimo xikmadeysan oo ku saabsan xiriirka qoyska iyo midka bulshada.

Tusaale ahaan, hooyada oo ilmaha ku baraysa suugaan xiriirka qoysnimo, guurka iyo

qaraabada, iyada oo aan toos u tilmaamin.

Hooyadu waxay tiraahdaa:

Haddaad gaadhood geyootid

Haddii Guulle yeelo (Haddii Guullahay uu yeelo)

Gabooboo gaatiyow wa

Gadh weyni u soo baxyow wa

Haddaad gaadhood gaboobin

Haddii guur kuu samaado

Gabooboo gaari maayee

Tolkey waa gobe ka guurso.

Xikmadda ku jirta farriintan waxay ku saabsan tahay in hooyadu dardaarmayso oo ay ilmaha ku xusuusinayso in xiriirka qoysnimo uusan go’in, xitaa haddii hooyadu aysan nolosha gaarin. Xikmadda iyo aqoonta ku jirta hobeeyadan waxay carruurta ka caawisaa inay fahmaan muhiimada uu leeyahay xiriirka qoysnimo iyo sidii loo sii wadi lahaa isku duubnida iyo qaraabada.

Dhibaatada Suugaanta Taban iyo Saameynta Tabban

Inkasta oo suugaanta togan ee carruurta ay qiimo aad u weyn u leedahay carruurta, haddana waxaa jira suugaan taban oo carruurta ku abuurta fikirro aan wanaagsanayn, cuqdado, iyo kala qaybsanaan bulsheed. Suugaanta tabani waxay carruurta ku dhiirrigelisaa colaado, takoorko, iyo in lagu barbaariyo habab aan habboonayn.

 Heesaha iyo suugaanta carruurta ee taban, gaar ahaan kuwa sida tooska ah ama dadban u taabanaya dhimasho, colaad, iyo cabsi, waxay saameyn xun ku yeeshaan barbaarinta ilmaha. Sida hees carruureedka (Hooyadaa ma joogto)

Hooyadaa ma joogto

Kor iyo koofur aaday

Kabaheeda iilatay? (Illatay)

Kabaxkabax u socotay

Geel jire helyaa mooyi

Geed seexataa mooyi

Goor hore iilataa mooyi

Heestan waxay si toos ah u taabanaysaa qalbiga ilmaha iyada oo ka hadlaysa maqnaanshaha iyo suurtogalnimada dhimashada hooyada, taas oo carruurta yar yar ku abuuri karta cabsi aad u weyn iyo dareen lumis ah. Heestu waxay tilmaamaysaa in hooyada ay tagtay meel aan la aqoon kor iyo koofur, ama xitaa geeljire helay oo dhibaateeyey ama qabriga ay u jihaysatay. Heestan waxay ku reebi kartaa ilmaha dhibaatada nuglaysa oo uu la noolaado, taasoo saamayn weyn ku yeelan karta horumarka maskaxeed iyo dareenkiisa.

 Saamaynta Taban ee Colaadda iyo Aarsiga

"Heesta; Ayaa dilay oo dagaalay?"

Ayaa dilay oo dagaalay?

Ayaa duur kulul ku jiiday?

Ninkii dilay ee dagaalay

Ninkii dakharada ku jiiday

Dagaalbaa naga dhaxeeya

Dabkana kala qaadanmaynno

Dab iyo qoolbaan u qaadan.

Hees carruureedkan ku saabsan dagaalka iyo aarsiga waxay si toos ah carruurta u baraysaa ku dhaqanka colaad iyo dilka taas oo noqon karta mid waxyeello u leh horumarka ilmaha. Saamaynta taban ee heestan waxaa ka mid noqon kara:

Dhiirrigelinta Dagaalka iyo Aarsiga

 Heesta waxay ka hadlaysaa dil, dagaal iyo dab aan kala go'i doonin. Fikradani waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa in xalinta khilaafaadka loo adeegsado dagaal iyo aarsi, taas oo ah fikrad taban oo carqabad ku ah in bulshadeenu noqoto mid caafimaad qabta. 

Dhallinta  ku fikiraysa in dagaal iyo aarsi ay yihiin habka loo xalliyo dhibaatooyinka waxay salka ku

haysaa suugaantan, waxayna keentay in ay ku weynaadeen qallayf, macangagnimo iyo in aanay awoodin in ay is xakameeyaan caradooda qaabbb wada hadal ah. 

Suugaan carruureedkan waxaa ku xusan rabitaanka aarsiga iyo in dab iyo qool la isu qaato. Waxay ilmuhu la qabsan karaan fikradahaan taban, iyaga oo ka maarmi doona nabadda iyo is fahamka. '

Carruurta sida joogtada ah u maqasha

suugaan noocan ah waxay qayb ka tahay, dhaqanka qalalaasaha iyo isku dhaca, iyagoo raadinaya xalal xoog ku saleysan halkii ay ka raadin lahaayeen wadahadal iyo is afgarad.

Ciyaar wadareed salka ku haya takoor

Maadaama aan ka soo hadalnay qaabka hooyadu ugu maldahday in wiilkeedu uu ka guursado tolkeed, waxaan hadda ku eegeynaa sida magaallooyinka qaar ciyaaraha suugtaanta carruurta ay ugu jirto takoor maldahan.

Hees ciyaareedka kuukuun:

Kuukuun lammina,

Lammina tabaaraka

Siyeedaa muunika,

Yekeyaa wecelaa baxaya

Hees ciyaareedkan waxay carruurta ku abuuri kartaa cuqdad, marka ilmuhu uu ka baxo ciyaarta dabcan kuma faraxsana oo in uu sii wato wuu jeclaanlahaa, balse erayga la raaciyey iyo ka saarista ciyaarta oo wadajir ah, haddii aan si qoto dheer u qiimeeyno waxay noqoneysa mid takoor ah.

Takoorka iyo xaqiraadda noocan ahi waxay saameyn weyn ku leedahay nafsadda ilmaha, iyada oo waxyeello u geysanaysa kalsoonida ilmaha iyo in uu si dabiici ah ugu dhex jiro bulshada.


Gunaanadka

1. Xoojinta fikirka iyo dareenka togan

Erayada wanaagsan waxay carruurta ku dhiirigeliyaan in ay yeeshaan fikir iyo dareen togan. Carruurta waxay baranayaan in ay ku fakaraan qaab wanaagsan, isla markaana ka fogaadaan fikirka xun ee keeni kara walwal ama cabsi. Taas beddelkeeda, waxay kor u qaadaysaa caafimaadka maskaxda iyo nolosha carruurta.  

Qaabka aan ku beddeli karno heesta hooyo ma joogto.

“Hooyadaa waa joogtaa

Kabaheedii waa kuwaan

Gurigeey kula joogtaa

Caanay ku keeneysaa

Calooshay kuu buuxini

Ciyaarna waad heleysaa”

Kuukuun lammina,

Lammina tabaaraka

Siyeedaa muunika,

Yekeyaa wecelaa (Fariidaa) baxaya


2. Horumarinta xirfadaha is dhexgalka bulshada

Wadahadalka oo loo aqoonsado xal

Suugaanta oo laga saaro erayada dhiirigelinaya colaada, aarsiga iyo in xalku uu yahay dil.

Waxaa kor loogu qaadi karaa hab-dhaqan bulsho oo wanaagsan, in la abuuro suugaan dhiirigelinaya nabadda, wada hadalka, wada-noolaanshaha, iyo isku duubnida. Erayada togan waxay dhiirrigelinayaan in carruurtu si wanaagsan ula dhaqmaan dadka kale iyo deegaankooda. Dhiirigelinta kobaca garaadka togan. 

Soo saarista suugaanta ku saleysan erayo iyo fikrado togan, taasoo caawineysaa carruurta in ay si hufan u fekeraan, isla markaana ay yeeshaan hal-abuur iyo maskax furfuran.  Tani waxay gacan ka geysaneysaa koritaanka garaadkooda iyadoo kobcineysa awoodaha kala duwan ee maskaxda sida fahamka, xasuusta, iyo hibada waxqabadka wanaagsan.

3. Soo saaridda jiil leh hogaamin iyo xilkasnimo

Suugaanta oo carruurta loogu tala galay aan lagu darin erayo ama dhaqammo aan wanaagsaneyn waxay ku caawinaysaa in la soo saaro jiil leh hogaamin iyo masuuliyad.  Erayada wanaagsan waxay carruurta bareyaan in ay noqdaan dad xilkas ah,  doonaya wanaagga bulshada iyo mustaqbalkooda. 

Gebogebadii, suugaanta carruurta waa in lagu saleeyaa erayo iyo aragtiyo kor u qaada diinta, dhaqanka iyo tarbiyada wanaagsan. Marka erayada aan habboonayn laga saaro suugaanta, carruurtu waxay helayaan madadaalo iyo waxbarasho isku dhex jirta oo ku saleysan abaabin togan. Tani waxay kaalin muhiim ah ka qaadaneysaa soo saarista bulsho leh dabeecad iyo dhaqan wanaagsan.

Talo soo jeedin :

● Waa in laga tashadaa sidii suugaanta carruurta kor loogu qaadi lahaa, si loo helo bulsho leh saldhig barbaarineed oo wanaagsan.

● Waa in lagu dadaalo in carruurta laga fogeeyo suugaanta taban, lana dhiirrigeliyo in loo akhriyo, loo sheego, loona curiyo suugan togan oo wanaag, is jaceyl iyo isku duubni abuuri karta.

● Hooyooyinka iyo waalidiinta in ay door weyn ah ka qaataan gudbinta

suugaanta togan ee carruurta, maadaama ay yihiin hormuudka barbaarinta ubadka, taasoo, haddii si wanaagsan loo adeegsado, waxa weyn ka beddeli karta qaabdhiska ummadeena, isla markaasna suurtaggelineysa dhismaha bulsho caafimaad qabta oo carruurteedu ku barbaaraan hab-dhaqan wanaagsan iyo fikrado badqaba.


Qaddarin.


W.Q: Nimco Noor

Friday, April 4, 2025

DAL MASUUL BAA DHISA MADAX BAASE DUMISA



Hoggaanku waa laf-dhabarta jiritaanka bulsho kasta, waana awoodda ugu weyn ee go’aamisa jihada uu dal u socdo, ha noqoto horumar ama dibudhac. Daraasadaha ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha iyo cilmiga bulshada ayaa si joogto ah u muujinaya in tayada hoggaanku si toos ah ay u saameyso kalsoonida bulshada, waxqabadka hay’adaha, iyo heerka horumar ee dal. Sidaas darteed, fahamka kala duwanaanta u dhexeysa “mas’uul” iyo “madax” ma aha oo kaliya arrin eraybixin ah, balse waa arrin lafdhabar u ah fahamka sababaha ay qaar ka mid ah dalalka u guuleystaan halka kuwa kale ay dibudhac uu ragaadiyo.

Mas’uulnimadu waxay ka tarjumaysaa hoggaan ku dhisan adeeg, anshax iyo isla xisaabtan. Fikraddan waxaa si weyn u horumariyey Robert K. Greenleaf, oo soo bandhigay aragtida “servant leadership,” taas oo sheegaysa in hoggaamiyaha dhabta ahi uu yahay mid dadka u adeega, kana hormariya danta guud tan gaarka ah. Sida uu Greenleaf tilmaamay, hoggaamiyaha wanaagsan laguma cabbiro awoodda uu leeyahay, balse waxaa lagu cabbiraa sida uu u kobciyo nolosha dadka uu hoggaamiyo. Aragtiyahan waxay si toos ah u taageerayaan fikradda ah in mas’uulnimadu tahay adeeg, ma aha xukun.
Tusaalaha nool ee maanta aynu dhaayaha ku aragno waa hoggaamiyaha da’da yar ee Burkina Faso Ibrahim Traoré in hoggaanku uu ku xiranyahay go’aan, jihayn iyo ficil degdeg ah. Muddo kooban gudaheed, wuxuu muujiyey in marka danta dalka la hormariyo, la xoojiyo madax-bannaanida, lana dhiso kalsoonida shacabka, ay suurtagal tahay in isbeddel muuqda la gaaro. Casharka ugu weyn waa in hoggaan firfircoon oo u taagan danta guud uu ka waxtar badan yahay mid kursi iyo xukun ku mashquulsan.

Dhanka kale, Max Weber wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey noocyada hoggaanka, isagoo tilmaamay in hoggaan sharciyeysan (legitimate authority) uu ku dhisan yahay kalsooni iyo aqbalid bulsho. Marka hoggaanku noqdo mid ku dhisan sharci, nidaam iyo isla xisaabtan, hay’adaha dowliga ah waxay noqdaan kuwo waara. Tani waa astaanta ugu weyn ee masuulnimada. Si ka duwan, hoggaan ku dhisan cabsi ama qasab wuxuu burburiyaa kalsoonida, taas oo horseedda in nidaamku noqdo mid jilicsan oo ku xiran qof keliya.

  • Cilmibaarisyo ku saabsan horumarka dalalka, gaar ahaan kuwa ay sameeyeen Daron Acemoglu iyo James A. Robinson, ayaa si cad u muujiyey in farqiga u dhexeeya dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah, in uu ku saleysan yahay nooca hay’adaha iyo hoggaanka jira. Waxay ku doodayaan aqoonyahannadu, in dalalka leh “inclusive institutions” oo ah nidaamyo u adeegaya bulshada oo dhan ay horumar gaaraan, halka kuwa leh “extractive institutions” oo ah nidaamyo u adeega koox yar ay ku dhacaan dibudhac. Aragtidan waxay si xooggan u muujinaysaa sida madaxnimo ku saleysan dano gaar ah ay u burburiso dal.

Sidoo kale, Francis Fukuyama wuxuu xoogga saaray muhiimadda kalsoonida bulshada (social trust), isagoo sheegay in kalsoonidu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed. Bulsho leh kalsooni sare waxay awood u leedahay inay dhisto hay’ado xooggan, halka bulsho kalsooni la’aan ahi ay ku dhacdo kala fogaansho, shaki iyo horumar la’aan. Marka hoggaanku noqdo mid madaxnimo ku dhisan, kalsoonidu way burburtaa, taas oo saameyn toos ah ku yeelata dhammaan qaybaha bulshada.

Waxaa tusaale ahaan laga arki karaa bulshadeenna qurbaha timid, waxaa dhacda in  marar badan ay dadku ka gaabsadaan ka qaybgalka cilmibaarisyada ama sahannada, iyagoo muujinaya shaki ku saabsan ujeeddada iyo dhab ahaanshaha xogta la ururinayo. Tani ma aha arrin si fudud u dhacda, balse waxay inta badan ka dhalataa waayo-aragnimo hore oo la xiriirta nidaamyo aan hufneyn, musuqmaasuq iyo xog si khaldan loo adeegsaday. Marka qofku muddo dheer ku noolaa nidaam aan lagu kalsoonaan karin hay’adaha, waxaa si dabiici ah u samaysma dareen feejignaan iyo shaki joogto ah, xitaa, haddii uu ku sugan yahay dal leh nidaamyo hufan.

Sidoo kale, cilmi-baarayaal badan ayaa ka hadlay waxa loo yaqaan “resource curse,” oo tilmaamaya in dalalka leh khayraad badan ay mararka qaar noqdaan kuwo dibudhac ku jira. Sababta ugu weyn ee arrintan ayaa ah in madaxdu ay kheyraadka u adeegsadaan si ay u xoojiyaan xukunka, halkii ay uga faa’iideyn lahaayeen bulshada. Tani waxay muujinaysaa in mushkiladdu aysan ahayn khayraad la’aan, balse ay tahay hoggaan la’aan masuulnimo.

Hoggaan kaligi-talis ah, oo inta badan ka dhasha madaxnimo ku saleysan awood, wuxuu sidoo kale wiiqaa hal-abuurka bulshada. Marka fikirka la xakameeyo, dadka laga qaado xorriyadda ay ku cabbiraan aragtidooda, bulshada waxay luminaysaa awooddeeda horumarineed. Taas beddelkeeda, hoggaan masuul ah wuxuu dhiirrigeliyaa ka-qaybgal, hal-abuur iyo wadajir, kuwaas oo ah tiirarka horumarka waara.

Ugu dambeyntii, farqiga u dhexeeya masuul iyo madax wuxuu noqdaa mid ka tarjumaya laba nidaam oo gebi ahaanba kala duwan. Mid wuxuu ku dhisan yahay adeeg, kalsooni iyo horumar, halka midka kalena uu ku dhisan yahay awood, dano gaar ah iyo burbur. Taariikhda iyo cilmi-baaristu waxay si isku mid ah u caddeeyeen in dalalka ay hoggaamiyaan masuuliyiin ay gaaraan horumar, halka kuwa ay hoggaamiyaan madax dano gaar ah leh ay ku dhacaan dib-u-dhac.

Sidaas darteed, su’aasha ugu muhiimsan ee la isweydiinayo ma aha oo kaliya cidda hoggaamineysa, balse waa nooca hoggaanka ee jira. Qof kasta oo xil haya waa inuu si dhab ah isu weydiiyo inuu yahay mid u adeegaya bulshada ama mid u adeegsanaya bulshada. Sidoo kale, bulshada lafteedu waa inay yeelataa aqoon iyo feejignaan ay ku kala saarto hoggaamiye dhab ah iyo mid muuqaal ku dhisan.

Gebogebadii, dal waxaa dhisa masuul, waxaana burburiya madax. Aragtiyaha aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha ayaa si isku mid ah u taageeraya xaqiiqdan. Mustaqbalka bulsho kasta waxaa uu ku xiran yahay doorashadooda, haddii ay doortaan hoggaan u adeegaya oo masuul ah,  ama madax xukunta. 

W.Q. Nimco Noor