Saturday, April 5, 2025

QIIMAHA AFKA HOOYO


Afka hooyo waa hantida ugu sarreysa ee qofku yeesho, waana aasaaska aqoonsiga, dhaqanka iyo isku xirka bulshada. Waa oraahda ugu horreysa ee qofku ku barto nolosha, una sahasha fahamka dunida iyo xiriirka bulshadiisa. Dad badan oo cilmiga afafka, dhaqanka, iyo barbaarinta carruurta wax ka qora waxay isku raacsan yihiin in afka hooyo uu leeyahay qiyam aad u weyn oo ay tahay in la dhawrto, gaar ahaan dadka ku nool qurbaha.

Pia Bärlund waa maamulaha adeegyada waxbarashada ee luqadaha iyo dhaqamada magaalada Jyväskylä. Waxay si gaar ah diiradda u saartaa taageeridda barashada afka hooyo iyo waxbarashada ardayda ajnabiga ah.

Waxay si qoto dheer uga hadashay qiimaha afka hooyo, waxayna tiri: “Waalid walba ma awoodaan in ay carruurtooda uga tagaan dhaxal hanti ah sida dahab, dhayman, lacag ama guryo, laakiin waxaan carruurteena uga tagi karnaa dhaxalka ugu wanaagsan, waana afkooda hooyo.”

Hadalkan wuxuu muujinayaa in dhaxalka ugu qaalisan ee waalidku carruurtiisa uga tagi karo uusan ahayn hanti la taaban karo, balse uu yahay afka hooyo oo ah dareenka lagu gudbiyo dhaqanka, aqoonta, iyo xiriirka bulshada.’

Muhiimadda Afka Hooyo ee Qurbaha

Dadka qurbaha ku nool, afka hooyo wuxuu kaalin weyn ka qaataa ilaalinta isku xirka qoyska iyo dhaqanka.

Ngũgĩ wa Thiong’o qoraaga caanka ah ee reer Kenya, wuxuu hoosta ka xariiqay in afka hooyo uu saldhig u yahay xornimada maskaxda iyo jiritaanka bulsho kasta. Buuggiisa (Decolonising the Mind) wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay muhiimka u tahay in bulsho walba ilaaliso afkeeda hooyo si ay u sii jirto.

“Luminta afka hooyo ma ahan oo kaliya in la waayo xiriir qoys iyo qaraabo, balse waa in la weynayo qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka iyo aqoonsiga bulsho. Afka hooyo waa hanti qaran oo mudan in la ilaaliyo, loona gudbiyo jiilasha soo socda si loo hubiyo sii jiritaanka iyo hodantinimada dhaqanka.
Sida uu tilmaamay cilmibaare David Crystal buuggiisa (Language Death) luminta af hooyo waxay lamid tahay luminta dhaxal dhaqameed qoto dheer, taasoo dhalin karta in bulshooyinku lumiyaan aqoonsigooda iyo taariikhdooda”.



Afka Hooyo iyo Xiriirka Qoyska

Afka hooyo waa xiddidka nolosha iyo ahaanshaha qofka, sida xarigga ebeda uu ugu xiran tahay ilmaha uurka ku jira, una suurtaggeliso noloshiisa inta uu ku jiro uurka hooyada. Haddii xarigga (ebida) la gooyo, ilmaha ma noolaan karo; sidaas oo kale; marka qofku uusan aqoon afkiisa hooyo wuxuu luminayaa kaalintiisii ahaansho iyo lahaansho ee dhaqankiisa iyo bulshadiisa.

Afka hooyo waa habka lagu gudbiyo taariikhda, hiddaha, halka laga yimid iyo haybta uu ku abtirsado. Xiddidku wuxuu geedka siiyaa nafaqada iyo biyaha uu kasoo nuugo dhulka, kolkaas ayay laamuhu doogsadaan oo uu miro dhalaa. Sidaas si la mid ah afka hooyo wuxuu kobciyaa garaadka iyo laxawga qofka nool.

Noam Chomsky oo ah cilmibaare caan ku ah cilmiga afafka, wuxuu si qoto dheer u falanqeeyay muhiimadda afka hooyo ee kobcinta garaadka iyo aqoonta. Aragtidiisa ku saabsan Naxwaha Guud (Universal Grammar) waxay tilmaamaysaa in awoodda barashada luqadda ay tahay mid dabiici ah oo ku jirta maskaxda aadanaha, taasoo ka dhigaysa afka hooyo saldhigga horumarinta garaadka iyo fahamka.

Dhanka kale, marka ilmuhu uusan aqoon u lahayn afkooda hooyo, wuxuu lumiyaa marka koowaad kalsoonida naftiisa, taasoo saameynaysa awooddiisa xiriirka qoys iyo bulsho. Tani waxay keenaysaa in ilmuhu uu dareemo go’doon iyo kala fogaansho, gaar ahaan qurbaha, halkaas oo dhaqamada kale ay saameyn weyn ku yeeshaan ilmahaas.

Faa’iidooyinka Barashada iyo Ilaalinta Afka Hooyo

Afka hooyo wuxuu fududeeyaa isku xirka qoyska, xoojinta xiriirka waalidka iyo carruurta.
Dhaqanka iyo aqoonsiga afka hooyo wuxuu qofka siinayaa kalsooni asalnimo, hayb ku dhisan jirrid ahaansho iyo midda lahaansho. Dhanka kale barashada afka hooyo waxay caawisaa horumarka garaadka, waxayna fududeysaa fahanka, ballarinta, isku beddelashada erayada afafka kale.
Wuxuu sahlaa xiriirka bulshada dhexdeeda, isagoo suurtaggal ka dhiga in la wadaago xikmadaha, waayo-aragnimada, dhacdooyinka, sooyaalka iyo dhaqanka intaba.


Afka Hooyo iyo Xiriirka Bulshada Qurbaha

Qofka qurbaha ku nool ee si fiican u yaqaan afkiisa hooyo, wuxuu si fudud dib ugu laaban karaa dalkiisii, marka loo eego qofka lumiyay xididdadiisa luqadeed. Dib ugu noqoshada dalka hooyo waxa ay dad badan ugu suurtaggeli kartaa iyagoo ku faraxsan, marka ay afkooda hooyo yaqaanan, waayo ma jiro xayndaab is fahanwaa oo ay ka walwalyaan. Afka hooyo waa door muhiim ah oo xagga bulshada iyo barbaarinta. Waa lamahuraan si ay carruurta iyo waalidkood isu fahmaan. Ayaandarradu waa, haddii jiilasha kala duwan aysan is fahmin, cawaaqibta ka dhalan kara waxay noqon karaan mid murugo iyo kala go’ ah. Dhismaha waddaniyadda iyo soosaarista bulsho mideysan, waxaa saldhig u ah afka hooyo oo la horumariyo.

Gunaanadka

Afka hooyo waa tiirka ugu muhiimsan ee isku xira qofka iyo bulshadiisa, isagoo siinaya xiriir gun weyn leh dhaqan iyo is aqoonsiba, wuxuuna ka badbaadin karaa in uu ku dhaco isirwalaac. Sida geed aan xidid lahayn u dhinto, qof aan aqoon afkiisa hooyo wuxuu luminayaa xiriirka uu la leeyahay ehelkiisa iyo bulshada uu ka soo jeedo, taasoo keeni karta kalinimo iyo dareen la’aan asalnimo.

Si loo ilaaliyo afka hooyo, waa muhiim in:

• Waalidiintu waa in ay ku hadlaan afkooda hooyo markay la joogaan carruurtooda.

• In la dhiirrigeliyo in carruurtu akhriyaan buugaagta afkooda hooyo ku qoran.

• In la abuuro jawi ay carruurtu ku sheekeystaan afkooda hooyo, si ay u helaan xirfad sare oo afeed.

• Barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo dhaqameed loo sameeyo carruurta qurbaha ku nool.

Ilaalinta afka hooyo waa masuuliyad saaran bulsho walba, waana dhaxal aad qaali u ah oo ay tahay in jiil walba uu sii gudbiyo.

Waalidiintu in ay si firfircoon carruurtooda ugu dhiirrigeliyaan barashada iyo adeegsiga afkooda hooyo, si ay u yeeshaan is-aqoonsi buuxa oo ay ula jaanqaadi karaan nolol kasta oo ay la kulmaan, siiba qurbaha.












No comments:

Post a Comment