Sunday, October 12, 2025

Calaanka Soomaaliya: Hal-abuur Qaran Mise Isku Ekaansho Taariikhi ah



    Hordhac



Dunida maanta oo si xawli ah u horumartay, xogta iyo caddaymaha taariikhiga ah waa kuwo sahlan in la helo si loo sameeyo isbarbardhigo lana falanqeeyo. Teknolojiyadda casriga ah iyo helitaanka kaydka dhijitaalka ah waxay suurtagelinayaan in dib loo eego dhacdooyinkii hore, loona sameeyo baaritaan cilmiyeedyo qoto dheer. Mid ka mid ah mowduucyada u baahan i baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo waa asalka naqshadda calanka Soomaaliya, kaasoo si caad loo aqoonsaday maanta oo kale 71 sanno ka hor 12 Oktoobar 1954. Calankeenu wuxuu u taagan yahay midnimada, madax-bannaanida iyo astaanta Ummadda Soomaaliyeed. Sida ku qoran sooyaalka bulshada Soomaaliyeed waxaa hindisay Allaha u naxariistee Halgamaa Maxammed Cawaale Liibaan. 

Haddana waxaa jira shaki naqshadeed soo ifbaxaya, kaasoo tilmaamaya in naqshaddaasi laga yaabo in gebi ahaanba aysan cusbayn. Sababtuna waa isku ekaanshaha muuqaal ee u dhexeeya calanka Soomaaliya iyo naqshad horay loogu soo jeediyay dalka  Finland qarnigii 19aad, gaar ahaan intii lagu jiray (Suuriruhtinaskunnan Suuri Lippukeskustelu (1862–1863) – dooddii weynayd ee calan doorashada Finland.

Dood-cilmiyeedkan wuxuu soo saarayaa naqshad leh midab buluug khafiif ah iyo xiddig cad oo shan gees leh, kuwaas oo si buuxda  ugu eg calankeena. Ma jirto wax caddayn ah oo la hayo oo muujinaysa in Halgamaa Cawaale uu arkay naqshadaas hortiis jirtay. Waxaa se hubaal ah, in xiddigta cad ee ku taal calanka buluugga ah ay ahayd mid horey uga jirtay meelo kale oo Yurub ah. 


Waxaa la ogyahay in diblumaasiyiin, ururo caalami ah iyo la-taliyayaal ajnabi ah ay door ku lahaayeen samaynta astaamaha (calammada) dowladaha cusub ee Afrika xilligii gumeysiga kadib, taasoo sii xoojinaysa suurtagalnimada in dadkeenii xilligaas hoggaanka hayey aqoontaada oo koonbnayd darteed lagu khalday kolkii fikradaha la xulanayey. Qaar ka mid ah ilaha ayaa sheegaya in naqshadda calanka (buluug + xiddig cad) ay ahayd mid la doortay si degdeg ah, taas oo dhalisay su’aal ku saabsan asal ahaan fikradda iyo saamaynta kala duwan.

Naqshadda Calanka Soomaaliya

  • Calaanka Soomaaliya waa buluug khafiif ah oo leh xiddig caddaan ah oo shan gees leh bartamaha. (Wikipedia)

  • Xiddigga shanta gees waxa ay matashaa shanta gobol ee ay Soomaalidu leedahay (somaliland, Somalia, Ogadenia (Ethiopia), NFD (Kenya), iyo  Jabuuti). (CRW Flags)

Naqshadaha Hore ee Finland

  • Finland qarnigii 19aad iyo ilaa xilligii xornimada waxay jiray doodo badan oo ku saabsan calankeeda qaranka iyo calaamadaha matalaya. (Intermin)

  • Kala duwanaanshaha fikradaha calanka ayaa ka mid ahaa: midabo buluug + caddaan, naqshado leh astaamo xiddigo ama calamo leh fallaago (cross designs). (Wikipedia)

  • Finland doodda ugu horeysay ee ku saabsan calanka ayaa dhacday sanadihii 1862–1863, markaas oo dadweynaha iyo golaha baarlamaanka (Diet) ay ka doodayeen calan u gaar ah Finland iyadoo ay weli ku hos jirtay gacanta Ruushka. (leijonalippu.fi)

  • Inkasta oo fikrado kala duwan la soo bandhigay, ma jirin calan rasmi ah oo la ansixiyay ilaa Finland ay madax-bannaani qaadatay 1917–1918, markaas oo calan buluug iyo caddaan leh (matalaadda fallaagta “Scandinavian cross”) uu noqday kan la aqbalo. (Wikipedia)

Isku ekaanshaha muuqaalka, midabka buluuga ah iyo astaanta xiddigta ayaa keeni kara in naqshadda calanka Soomaaliya aysan si buuxda u noqon mid gebi ahaanba cusub, laakiin ay ka mid tahay  muuqaal calaamadeed oo caalami ah.

Gunaanad iyo Talo soo jeedin

Marka la eego xogta hadda jirta iyo isbarbardhigyada muuqda, waxaa muhiim ah in la sameeyo cilmi-baaris rasmi ah, madax-bannaan oo taariikheed, taas oo lagu baarayo isirkii iyo isbeddelladii naqshadaha calamo ee dunida ka jiray qarnigii 19aad ilaa bartamihii qarnigii 20aad.
Baaritaankan waa in uu ka koobnaadaa:

  • Raadraac sawirro iyo qoraallo asalka ah ee ku jira kaydka Finland, Qaramada Midoobay iyo ururradii gumeysiga.

  • Falanqayn isbarbardhig naqshadeed oo lagu ogaanayo in ay jirto xiriir muuqaal ama fikradeed.

  • Dood cilmiyeed oo mideysa taariikhyahanno Soomaaliyeed iyo ajaanib, si loo gaaro natiijo caddayn iyo aqoon ku dhisan.

Sida oo kale in aan loo arag su’aal siyaasadeed, balse loo arkaa aragti hubaal raadis ah oo u baahan baaritaan iyo isbarbardhig taariikheed. Ujeedada qormadan waa in la isbarbar dhigo calaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah naqshadaha hore ee Finland, lana baaro suurtogalnimada in naqshadda Soomaali ay saamayn ama is-dhaaf la yeelatay fikrado qaran oo hore.

Xigashooyinka 

Calaanka Soomaaliya

Ministry of Foreign Affairs of the Federal Republic of Somalia. (n.d.). Flag Day: The Somali national flag.
Retrieved October 12, 2025, from https://web.mfa.gov.so/flag-day/

United Nations. (1954). Admission of the Somali Republic to membership in the United Nations. United Nations Archives.
Retrieved from https://www.un.org/en/about-us/member-states/somalia

Wikipedia contributors. (2025, September 10). Flag of Somalia. In Wikipedia, The Free Encyclopedia.
Retrieved October 12, 2025, from https://en.wikipedia.org/wiki/Flag_of_Somalia

Naqshadaha Hore ee Finland

Finnish Ministry of the Interior. (n.d.). History of the Finnish flag.
Retrieved October 12, 2025, from https://intermin.fi/en/flag-and-arms/about-the-flag/history-of-the-flag

Leijonalippu.fi. (n.d.). 1860-luku – Suuriruhtinaskunnan liput ja lippukeskustelu.
Retrieved October 12, 2025, from https://www.leijonalippu.fi/en/1860-luku.html

Wikipedia contributors. (2025, September 5). Flag of Finland. In Wikipedia, The Free Encyclopedia.
Retrieved October 12, 2025, from https://en.wikipedia.org/wiki/Flag_of_Finland

Crwflags.com. (n.d.). Somalia – National Flag.
Retrieved October 12, 2025, from https://www.crwflags.com/fotw/flags/so.html

Wikimedia Commons. (n.d.). Historical flags of Finland (1860–1918).
Retrieved October 12, 2025, from https://commons.wikimedia.org/wiki/Flags_of_Finland


No comments:

Post a Comment