Sunday, March 15, 2026

Aayahay dalalka Khaliijka iyo amnigooda

Muddo dheer dalalka Khaliijka Carabta waxay ku tiirsanaayeen Maraykanka si ay uga helaan difaac iyo dammaanad amni. Saldhigyo militari oo waaweyn oo Maraykan leeyahay ayaa laga dhisay dalal badan oo gobolka ku yaalla, iyadoo heshiisyadaas lagu saleeyay in Maraykanku difaaco gobolka, halka dalalka Khaliijkuna ay bixinayaan taageero dhaqaale iyo mid istaraatiiji.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda geopolitics-ka Bariga Dhexe ayaa isbeddelaysa. Su’aal waaweyn oo mudan ayaa soo baxaya: saldhigyada Maraykanka ma noqdeen kuwo dammaanaddii amni ee lagu heshiiyey laga helay, mise waxay noqdeen bartilmaameed dagaal?

Ma la joogaa waqtigii dalalka Khaliijka ay ka tashan lahaayeen aayahooda amni?

Xaaladdu waxay murugtay markii Maraykanku bilaabay in uu dadkiisa uga digay in ay ka baxaan qaar ka mid ah dalalka gobolka, isla markaana uu ku baaqay in muwaadiniinta Maraykanka iyo shaqaalaha safaaradaha ee aan muhiimka ahayn ay dalalkaas ka baxaan, haddii xiisaddu sii korodho. Talaabadan ayaa muujisay sida quwadaha waaweyn u diyaargaroobaan khataraha suurtagalka ah, balse waxay sidoo kale dhalisaa su’aal: haddii khatar jirto, yaa dhab ahaantii qaadi lahaa culayska ugu weyn iyo fulinta axdiyadii heshiis?

Casharro laga bartay taariikhda

Si loo fahmo dooddan maanta taagan, waxaa lagamamaarmaan ah in la xasuusto dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee sida weyn u saameeyay Bariga Dhexe.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa Kacaankii Iiraan ( Iranian Revolution), markii xukunkii Shah-ha la riday, taasoo beddeshay isku dheelitirkii siyaasadeed ee gobolka. Tan iyo markaas, xiriirka u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan wuxuu noqday mid aad u qalafsan.

Sidoo kale, dagaalkii Iran iyo Iraq ayaa ahaa mid ka mid ah dagaalladii ugu dheer ee gobolka, iyadoo quwadaha waaweyn ay door ku lahaayeen taageerada dhinacyadii dagaalamayey.

Sannadkii 1991, dagaalkii Goolofka (Gulf War) ayaa muujiyey sida Maraykanku u noqday quwadda militari ee ugu weyn gobolka, markii uu hoggaamiyay isbahaysi weyn kaasoo ka saaray ciidamadii Ciraaq dalka Kuwait.

Wixii intii ka dambeyey, weerarradii (September 11 attacks), Maraykanku wuxuu si weyn u kordhiyay joogitaankiisa militari ee Bariga Dhexe. Taasi waxay keentay dagaallo waaweyn sida dagaalkii Iraq ( Iraq War), kaasoo si qoto dheer u beddelay nidaamka siyaasadeed ee gobolka. 

Dhacdooyinkan taariikhiga ah ayaa weli saameyn ku leh sida dalalka Khaliijka ay u arkaan amnigooda iyo xiriirkooda quwadaha waaweyn.

Aragtiyada khubarada

Khubaro badan oo siyaasadda caalamka ku takhasusay ayaa ka digay ku tiirsanaanta buuxda ee quwad dibadeed. Waxaa ka mid ah aqoonyahanka ka tirsan jaamacadda  Harvard  Professor Stephen M. Walt wuxuu ku dooday in dalalka Khaliijka ay si xad-dhaaf ah ugu tiirsan yihiin Maraykanka, taas oo hoos u dhigtay awooddooda ay ku dhisi lahaayeen nidaam amni oo ka madaxbannaan ku tiirsanaan cid kale.

Aragti la mid ah waxaa qaba aqoonyahanka geopolitics-ka John J. Mearsheimer, oo sheegay in joogitaanka militariga Maraykanka mararka qaar uu kordhiyo xiisadaha halkii uu ka yareyn lahaa.

Sidoo kale falanqeeyaha siyaasadda Bariga Dhexe Trita Parsi ayaa sheegay in saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka ayaa noqdaan bartilmaameedyo sharci ah,sida ay Iiraan sheegtay, xiisadahan militari ee billowday, waxay halis geliyeen dalalka martida loo yahay ee Khaliijka.

Aragtiyada ka imanaya gobolka

Dhanka kale, hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei ayaa marar badan sheegay in ciidamada shisheeye ay yihiin sababta ugu weyn ee xiisadaha gobolka, isagoo ku adkaystay in amniga Bariga Dhexe ay xaqiijin karaan dalalka gobolka laftoodu. Sidoo kale taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Hossein Salami ayaa sheegay in saldhigyada militariga Maraykanka ay noqon bartilmaameed, haddii dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolka.

Dhanka Carabta, lataliyaha diblomaasiyadda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in gobolka u baahan yahay nidaam amni oo ay dalalka gobolka wada dhisaan. Isla hoggamiyayaasha carbeed oo uu ugu mansab weyn yahay dhaxalsugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa sheegay in dalalka gobolka ay doonayaan in ay xalliyaan khilaafaadkooda iyaga oo aan ku tiirsanayn dalal shisheeye.

Marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyay, waxaa muuqata daciifnimada nidaamkii amni ee ay dalalka Khaliijka ku tiirsanaayeen muddo dheer. Balaayiin doollar oo lagu bixiyay hub iyo heshiisyo difaac ayaa mararka qaar muujiyay in dammaanaddaas ay u muuqato hal bacaad lagu lisay ama  maahmaahda Soomaaliyeed tiraahdo: “Hu aadan lahayn kuma dhaxan tiro.” Taasi waxay iftiiminaysaa halista ay leedahay ku tiirsanaanta difaac dibadeed, kaasoo marnaba aan dammaanad qaadi karin in uu badbaadin karo ciddii magansatay.

Gunaanad

Marka la isku geeyo taariikhda gobolka, aragtiyada khubarada, iyo xaaladda maanta jirta, waxaa muuqata in dood cusub ay ka socoto Bariga Dhexe: ma la joogaa waqtigii dalalka Khaliijka ay dib u qiimeyn lahaayeen ku tiirsanaanta militari ee quwadaha dibadda?

Xaaladdan hadda taagan, dalalka Carabta ma u noqon kartaa fursad ay dib ugu eegaan heshiisyadii amni ee ay la galeen Maraykanka? Mase ku dhiiran karaan in ay gabi ahaanba laalaan heshiisayadaas?

Mustaqbalka dhow ayaa muujin doona in dalalkaasi sii wadi doonaan nidaamkii hore iyo ku tiirsanaanta quwadaha waaweyn, mise waxay bilaabi doonaan in ay dhistaan nidaam amni oo ay iyagu hoggaaminayaan?

Tani waa cashar cusub oo muujinaya in dowladaha yaryar aysan si buuxda ugu tiirsanaan karin dammaanad amni oo ka timaadda quwadaha waaweyn. Waa waayo-aragnimo ay dowlado badan wax ka baran karaan.

Xigashooyin iyo akhris dheeraad ah (Source)

https://academic.oup.com/ia/article/101/6/2193/8269677

https://www.belfercenter.org/publication/stephen-m-walt-us-iran-and-new-balance-power-persian-gulf 

https://feps-europe.eu/wp-content/uploads/2021/02/Pax-Americana-vs.-Inclusive-Security-in-the-Middle-East.pdf

W:Q. Nimco Noor



No comments:

Post a Comment