Yaa Ku Jabi doona Dagaalkan?
“Neef la gowracay geed kama waabto” maahmaahdan waxay tilmaamaysaa xaalad marka uu qof ama dal waqti dheer cadaadis iyo dhibaato ku jiro, in mararka qaar uu doorbido inuu halis qaado halkii uu sii ku sugnaan lahaa xaalladaas.
Iiraan in ka badan 40 sano ayay saarnaayeen cunaqabatayn dhaqaale iyo siyaasadeed. Cunaqabatayntaas dheer waxay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo nolosha dadka, waxayna sidoo kale abuurtay daldaloolo amni iyo jaajuusnimo, maadaama saboolnimadu mararka qaar dadka ku riixdo in ay noqdaan kuwo si fudud loo adeegsan karo.
Intii danbe oo dhan Iiraan wadahadallo dhanka nabadda ayay raadisay, balse ma dhicin. Waxa lagu khasbay in ay isdhiibto, taasina ma ahayn mid u cuntamaysay.
Hadda, xaaladda gobolka waxay u muuqataa mid gashay marxalad cusub. Dad badan oo Iiraaniyiin ah waxay qabaan aragti ah, mar haddii horeyba nolol adag ay ugu jirreen, khasaaro kale ma sii cabsi gelineysi. Taasi waxay kordhin kartaa diyaar u ahaanshaha iska caabin iyo dagaal jihaad ah.
Saameeya kooxo siyaasadeed (lobby groups)
Maraykan xulifadiisa ay Israa’iil ugu horreyso dagaal walbana galisaa, waxay horay u qoreen casharro wax laga bartay, sidaas darteed Iiran dabinkaas kuma dhacayso.
Waxaa aragtidaas isagana qaba John J. Mearsheimer Professor ka tirsan University of Chicago. Wuxuu ku doodaa in siyaasadda caalamka laga daalacdo Realism (awood iyo dano). Mearsheimer wuxuu sheegay in dagaal toos ah oo Maraykanku ku qaado Iiraan uu noqon karo khatar weyn oo gobolka oo dhan holcisa, isla markaana ay adkaan karto in si fudud loo xakameeyo danaha iyo siyaasadda Maraykanka.
Dagaallad uu galay Maraykanka iyo NATO dhammantood waxay ku salaysnaayeen danaha Israa’iil iyo kuwo dhaqaale oo ahaa qaab bililiqo., hadda se u muuqda in la kala haray oo waddamada reer Yurub ay wax ka barteen dhaawacyadii hore ay u geysteen waddamo badan oo aan noloshooda iyo jiritaankooda midna khatar ku ahayn, balse Israa'iil ay qori dab leh la wareegeyso. Maraykanku xulufadiisii uu horay usii wadan jiray laguam wargelin dagaalkan, taasoo la' aaminsan yahay in Israa’iil ay sugi la’ayd in dagaalka Iiraan dib loo dhigo, ayna ka doorbidday in la dedejiyo dagaalka.
Sida uu qabo qoraaga caanka ah Stephen M. Walt waxa uu yiri: “Siyaasadda Maraykanka ee Bariga Dhexe waxaa saameeya kooxo siyaasadeed (lobby groups) oo taageera Israa’iil. Saameyntaas mararka qaar waxay ku riixdaa Maraykanka inuu qaato go’aanno si gaar ah u taageera Israa’iil.”
Waxaa suuragal ah in saameynta Israa’iil ee siyaasadda Bariga Dhexe aysan ku koobnayn oo keliya lobby-yo siyaasadeed, balse ay ku lug yeelan karto arrimo sirdoon, xog ururin iyo cadaadis siyaasadeed (blackmail) oo lagu hayo qaar ka mid ah hoggaanka Maraykanka.
Aragtidan waxaan ku xoojinayaa doodaha la xiriira fadeexaddii Jeffrey Epstein, taas oo mararka qaar lagu tilmaamo in ay muujisay sida shabakado awood leh ay u heli karaan xog xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta siyaasadda.
Khasaaraha laga filan karo
Marka la eego khasaaraha suuragalka ah, waxaan aaminsanahay, haddii dagaal ballaaran dhaco khasaaraha Maraykanka uu ka yaraan karaa kan Iiraan iyo Israa’iil, maadaama goobta dagaalka ugu badan ay noqon karto Bariga Dhexe.
Dhanka Carabta, xaaladdu waa mid adag; dalal badan oo Carbeed ayaa leh khilaafyo gudaha ah, kala qaybsanaan siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, taasoo ka dhigaysa in aysan si fudud u samayn karin istaraatiijiyad mideysan.
Haddii xiisaddu sii socoto, hal khatar oo muuqata ayaa ah dagaal ka dhex qarxa dalalka Muslimiinta dhexdooda. Taasi waxay noqon kartaa xaalad ay si gaar ah dan ugu jirto Israa’iil, maadaama istaraatiijiyadda qaar ee gobolka lagu tilmaamo in ay ku dhisan tahay in cadowgu laysku jabsho.
Waa halkii Soomaalidu ay uga maahmaahi jirtay: “ Lafo geri iyagaa kaysku jabshaa.”
Taariikh ahaan, Israa’iil waxaa abuuray waddamad reer galbeedka 1948 isla markaana taageero ka hesha isla quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo dalal badan oo Yurub ah.
Taageeradaas siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari waxay weli qayb weyn ka tahay isku dheelitirka awoodda ee gobolka.
Yurub iyo ka cagajiidka dagaalka
Qaar ka mid ah dowladaha Yurub si buuxda ugama maqna xiisadaha iyo dagaallada socda, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo sirdoonka. Si kastaba, waxaa muuqata kala duwanaansho ku saabsan heerka ay uga qayb qaadanayaan.
Dalka Jarmalka ayaa bixiyay taageero milatari iyo saldhigyo istaraatiiji ah, halka Ingiriisku mararka qaar muujiyay taxaddar iyo cagajiid. Spain, dhankeeda, waxay qaadatay mowqif fog iyo diidmo ku lug lahaanshaha tooska ah. Arrintan waxaa sii adkaynaya cadaadisyo kale oo istaraatiiji ah, sida dagaalka Ukraine iyo murannada la xiriira Greenland, kuwaas oo muujinaya in quwadaha caalamku ay mararka qaar kala jiitaan danahooda istaraatiijiga ah.
Kala duwanaanshaha mowqifyada Yurub wuxuu muujinayaa in qaar ka mid ah dowladaha aysan diyaar u ahayn inay si buuxda ugu biiraan jiho cusub oo dagaal, maadaama ay horeba ugu mashquulsan yihiin danahooda istaraatiijiga ah iyo khilaafaadyo kale.
Gebogebadii:
Marka la soo koobo, mustaqbalka dhow waxaa laga cabsi qabaa laba suurtagal:
- In xiisadda gobolka isu beddesho dagaal caalami ah oo ballaaran.
- In Iiraan si toos ah ama dadban u wajahdo dagaal ay ku lug yeeshaan dalal Carbeed iyo Israa’iil.
Haddii taasi dhacdo, dalalka Carabta waxay u baahan doonaan waqti dheer si ay dib ugu dhistaan awoodooda iyo dhaqaalahoodaba Israa’iil, dhankeeda, weli waxay ku socotaa istaraatiijiyaddii ay ku dhisnayd tan iyo markii la aasaasay.
Su’aasha ugu weyn ee hadhayna waa:
Yaa dhab ahaantii ku jabaya marka colaadaha gobolka ay sii dheeraadaan, mise dhammaan dhinacyadu way khasaarayaan?
W:Q. Nimco Noor
No comments:
Post a Comment