Doorka Haweenka ee Hoggaanka Islaamka iyo Bulshada Soomaaliyeed
Hordhac
Buugga “Hoggaanka iyo Haweenka” ee uu qoray Cabdulqaadir Cabdulle Diini, wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa doorka haweenka ee hoggaanka, isagoo taabanaya dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaaladda haweenka Islaamka ka hor, haweenka Soomaalida, xuquuqda Islaamku siiyey haweenka, waajibaadka gabdhaha Muslimiinta, muuqaalka beenta ah ee laga bixiyey Islaamka, waxyaabaha Galbeedku Islaamka ku duraan, kala duwanaanshaha ragga iyo dumarka, iyo hoggaaminta iyo madaxtinimada. Falanqayntani waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa cutubka ugu dambeeya ee buugga, kaasoo cinwaan looga dhigay “Haweenka iyo Hoggaanka”, iyadoo la eegayo habka qoraagu u soo bandhigay doodaha iyo daliilaha, iyo sida ay ula jaanqaadayaan xaqiiqada bulshada Soomaaliyeed ee maanta.
Waxaan uga mahadcelinaya qoraaga in uu qoray buug habqoraalkiisu uu yahay mid aad u sarreeya, isla markaana akhristuhu uusan marnaba ku daalayn.
Falanqaynta Hoggaanka Haweenka ee Islaamka
Marka la falanqeynayo doodda ku saabsan in haweeneydu qaban karto xilalka hoggaamineed sida qaallinimada, wasiirnimada ama xilalka kale ee bulshada, waxaa lamahuraan ah in si cad loo kala saaro ilaha shareecada Islaamka iyo fahamka culimada. Afartan arrimood, oo kala ah Qur’aanka Kariimka ah, Sunnada Nabiga (NNKH), ijtihadka culimada, iyo dhaqamada bulshooyinka Muslimiinta, isku heer ma aha, mana aha in mid lagu beddelo mid kale.
Mabda’a ugu weyn ee culimada Usuul al-Fiqh ay isku raacsan yihiin waa in Qur’aanku yahay isha koowaad ee shareecadeena Islaamka, halka Sunnadu ay tahay mid sharaxda, faahfaahisa, isla markaana aan marnaba ka hor iman karin Qur’aanka. Sidaa darteed, haddii la doonayo in la caddeeyo mowqifka Islaamka ee kaalinta haweenka, waa in marka hore la eego waxa Qur’aanku inoo sheegay, ka dibna loo gudbo xadiisyada iyo fahamka culimada.
Doodda Qoraaga iyo falanqayn dheeraadka ah
Marka la akhrinayo cutubka buugga ee ka hadlaya Hoggaanka Haweenka, waxaa muuqata in qoraagu inta badan xoogga saarayo aragtiyaha culimada diidaya in haweeneydu noqoto qaali ama wasiir, isagoo daliil ahaan u soo qaadanaya aayado iyo axaadiis ay culimadaasi u fasirteen siday u arkeen. Waxay se ila tahay, in qoraagu uusan si isku dheellitiran u soo bandhigin dhammaan daliillada Qur’aanka ee mowduuca khuseeya, gaar ahaan qisada Boqoraddii Saba (Bilqiis), taas oo ah tusaalaha keliya ee Qur’aanku si faahfaahsan uga warramayo haweeney boqorad ahayd iyo hoggaankeedii.
Qoraaga iyo culimo badan waxay ku sababeeyeeyn in ay ahayd boqorad mushrikad ah oo Alle khayrkiis caabudi jirtay, sidaas darteedna ay tahay in aan xukun laga qaadan. Waxaase is weydiin mudan, mar haddii sababtu taas tahay in qof gaal ah aan xukun laga qaadan, isla buugga qoraagu wuxuu soo xigtay hadalkii uu yiri Wasiirkii Nabi Yuusuf oo ahaa gaal, kaasoo sheegay:
“إِنَّهُ مِن كَيْدِكُنَّ ۖ إِنَّ كَيْدَكُنَّ عَظِيمٌ” (Qur’aan 12:28)
“Dhagartiinnu waa mid weyn.”
Maxaa kala fadliyay labada aayadood? Ma dhaqankaa, ma fasirkaa mise waa haweenimada? Isbarbardhigga labada qiso wuxuu muujinayaa arrin muhiim ah. Dhinac waxaa yaalla hadal nin gaal ah uu ku hadlay, dhinaca kalena waxaa yaalla qiso Qur’aanku si faahfaahsan inoogu sheegay oo muujinaysa hoggaan dumar ah oo leh caqli, wadatashi iyo go’aan qaadasho wanaagsan. Haddaba maxaa sabab u ah in hadalka wasiirka oo asaguba gaal ahaa, si joogto ah loogu celceliyo, halka astaamihii wanaagsan ee Bilqiis aan loo adeegsanayn isla miisaankaas?
Qoraagu wuxuu soo qaatay xadiiskii:
«لَنْ يُفْلِحَ قَوْمٌ وَلَّوْا أَمْرَهُمُ امْرَأَةً»
“Qoom ay naag hoggaamiso way hoogee”.
Su’aashani ma aha diidmo lagu diidayo Sunnada iyo xadiiska Nabiga ama culimada, balse waa su’aal ku saabsan habka loo kala hormarinayo daliillada. Qur’aanka ayaa leh mudnaanta koowaad, kaddibna Sunnada Nabiga (NNKH).
Qoraagu wuxuu soo qaatay ilbaxnimooyinkii hore iyo sida ay haweenka u dulleysan jireen, wuxuuna tilmaamay in Islaamku ahaa nasrigii iyo caddaladii haweenka, Nebigeenuna Muxammedna uu ahaa mid siiyey xaqoodii. Bogga 13 ee buuggiisa, Qoraa Diini wuxuu sheegay in haweenku aysan xor u ahayn noloshooda iyo go’aamadooda. Wuxuu se meelo badan sida geedka dhillowyahanka oo kale uu isku lammaniyey dhaqanka iyo diinta. Si aan u kala saarno aragtideyda. Waa dhab, in diinta Islaamku haweenka Muslimiinta ah ay xaq cad siisay. Balse xaqaas ma helaan dumarka soomaaliyeed ee qoraagu uu buugga u qoray?
Nolosha Haweenka Soomaaliyeed Dhaqan mise Diin?
Gabadha Soomaaliyeed ee nool xilligan 2026, waxay la mid tahay arrimaha qaarkood haweenkii noolaa qarniyadii hore ee uu buuggu ka hadlay. Tusaale ahaan, haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkii hooyooyin badan oo ka mid ah ayaa isku dhinta xilliga dhalmada. Waraysi lala yeeshay umuliso ka soo shaqaysay dalkii, waxay diiwaangelisay dhacdooyin argagax leh, oo ay ka mid tahay, in gabar 16 jir ah oo xaalad bini’aadanimo tii ugu xumayd ku jirto ay isku dhimatay iyadoo hortooda ku nafbaxday, ka dib markii ninkii qabay uusan taleefanka qaban, ina adeerkeedna uu diiday in uu saxiixo si loo qalo. Su’aashu waxay tahay, gabadhaasi ma waxay nooshahay xilligii Islaamka ka horreeyay? Maadama aysan lahayn go’aanka nafteeda lagu badbaadin lahaa. Dhacdadaasi maahan mid hal qof ku dhacday, balse waa sharci ka jira dhammaan isbitaalada dalka in haweenku aysan sixiixi karin kolka iyada iyo ilmaha la kala badbaadinayo la qalayo.
Isbarbardhigga Aragtiyaha
Qoraaga buugga “Hoggaanka & Haweenka” wuxuu bogagga 178–186 ku soo ururiyey fatwooyin iyo aragtiyo culimo casri ah oo ay ka mid yihiin Sh. Cabdulcasiis Bin Baaz, Sh. Maxamed Naasiruddiin Al-Albaani, Sh. Maxamed Al-Cuthaymiin, Sh. Cabdullaahi Bin Jabariin, Sh. Cabdiraxmaan Al-Barraak, Sh. Cabdulmuxsin Al-Cabbaad, Sh. Maxamed Cali Farkuus, Mustafa Sibaaci, iyo Sacdaddiin Hilaaliyi. Intooda badan waxay isku aragti ka yihiin in haweeneydu aanay qaban xilalka guud ee siyaasadda ama shaqooyinka keenaya isdhexgalka ragga iyo dumarka, iyagoo daliishanaya aayado iyo xadiiska sida; .”Haweenka guryahooda haku jiraan,” Waxay sidoo kale ku doodayaan in maslaxadda bulshada iyo ilaalinta qoyska ay sabab u tahay in haweeneyda laga reebo hoggaanka guud.
Si kastaba ha ahaatee, isla qoraagu wuxuu bogagga 184–186 soo bandhigay aragtiyo kale oo qiraya in aan la helayn daliil Qur’aan ah oo si cad u reebaya in haweeneydu talo bixiso ama ay ka qayb qaadato arrimaha bulshada. Waxa kale oo uu soo xigtay doodda Mustafa Sibaaci, oo sheegaysa in qaar ka mid ah culimada casriga ahi ay u arkeen in codbixinta iyo doorashadu aanay si cad uga hor imanayn shareecada.
Haddaba, marka dooddan fiqhiga ah lagu miisaamo xaqiiqada bulshada Soomaaliyeed, waxaa soo baxaya su’aalo muhiim ah oo u baahan jawaab cilmiyeed. Bulshada Soomaaliyeed, ee burburka iyo colaadaha soo martay, waxaa dhab ahaan laf-dhabar u noqday haweenka. Iyaga ayaa qaaday culayskii dhaqaale, korintii carruurta, ilaalintii qoyska iyo badbaadintii bulshada. Haweenka Soomaaliya ku nool, waxaa muuqata haween subax kasta u baxaya nolol raadis, iyagoo mararka qaarkood qabanaya shaqooyin aad uga adag kuwii dhaqanka loogu nisbayn jiray ragga.
Waxaa nasiibdarro ah in doodaha diineed badankoodu xoogga saaraan khatarta ka dhalan karta haweeneydu inay rag la shaqeyso ama ay goobaha siyaasadda gasho, halka aan isla xooggaas lagu falanqayn xaqiiqada ah in kumannaan haween Soomaaliyeed ay sannado badan ku shaqaynayeen suuqyada, beeraha, xamaalka, goobaha nadaafadda, iyo xitaa dhismayaasha, iyagoo maalin kasta la kulmaya isla isdhexgalkii ragga iyo dumarka ee qoraagu ka digayey.
Ma bixiyaan falanqayn ku saabsan xaaladaha adag ee dumarka Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, waxaa jiray hooyooyin Soomaaliyeed oo carruur korsanaya, kuwaas oo ka shaqaynayay goobaha dhismaha, iyagoo dhagax jabinaya, sibidh qaadaya, mararka qaarna aan xitaa haysan kabo ama dacas ay cagaha ku xirtaan. Waxaa la arkay xaalado muujinaya in baahidu ku khasabtay inay qabtaan shaqooyinkii loogu yeeri jiray “shaqooyinka ragga.”
Haddii isdhexgalka ragga iyo dumarku yahay sababta ugu weyn ee haweeneyda looga reebayo hoggaanka siyaasadda iyo shaqooyinka guud, maxaa loo waayay isla culimadaas cod xooggan oo ka hadla kumannaan haween Soomaaliyeed oo sannado badan ku shaqaynayay goobahaas adag? Maxaa loo maqli waayay fatwooyin abaabulaya in ragga lagu waajibiyo gudashada masuuliyadda qoysaskooda si haweenku aanay ugu khasbanaan shaqooyinka khatarta ah?
Sidoo kale, haddii culayska qoyska lagu daliishanayo in haweeneydu aanay qaban karin xil dowladeed, isla mabda’aas miyuusan khusayn ragga? Ragga xilalka ugu sarreeya haya sidoo kale waa aabbayaal iyo masuuliyiin qoys. Haddaba sababtee masuuliyadda qoysku caqabad ugu noqotaa haweeneyda oo keliya, balse aanay caqabad ugu noqon ragga? Isla xisaabtan ku ma mid haweenka iu gaar ah baa? Mise waa halkii Soomaalidu ka oran jirtay: “Miskiin baa misko la fuulo leh."
Falcelinta uma soo bandhigayo in aan ku diido culimada ama aan ku dhaleeceeyo shareecada Islaamka. Waxaan u soo bandhigayaa in la kala saaro laba arrimood: xukunka shareecada iyo iyo sida xukunnadaas loogu dabaqay duruufaha bulshada. Marka la eego xaaladda Soomaaliya, waxaa muuqata in doodda badankeedu xoogga saartay xaddidaadda haweenka, marka ay joogto dheefta, balse aan marnaba wax laga qorin, fatwo laga soo saarin duruufaha adag ee ay ku ilmo koriyaan malaayiin haween Soomaaliyeed daafaha caalamka iyo dalkii hooyo.
Haddii qoysaskii badankood ay dhab ahaan ku badbaadeen dadaalka haweenka, haddii carruurtii la barbaariyey, bulshada la ilaaliyey, dhaqankii iyo diintii, dhaqaalihiina la soo saaray ay qayb weyn ka ahayd gacanta haweenka, markaa waxaa mudan in dib loo eego su’aasha ah: diinta miyaa diidday in haweenku hoggaamiyaan, mise dhaqanka iyo duruufaha bulshada ayaa qaarkood loo ekaysiiyey xukun diini ah?
Su’aashaas jawaabteedu waxay u baahan tahay in Qur’aanka Kariimka ah, Sunnada, taariikhda Islaamka iyo xaqiiqada bulshada maanta jirta dhammaantood si wadajir ah loo akhriyo, halkii hal dhinac oo keliya laga eegi lahaa.
Doorka Haweenka Xilligii Nebiga (NNKH)
Marka la eego dhaqankii Nebigeena Muxammad (NNKH), waxaa muuqata in haween badan ay ka mid ahaayeen maamulkii Nebiga ee xilligaas. Taariikhdaas waxay muujinaysaa in Nebigu qiimeyn jiray aqoonta iyo kartida haweenka.
Haddii haweenka xilligii Nebiga ay ka qayb qaadanayeen, talo, maamulka suuqa, waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada, haddana sidaas oo ay tahay qoraagu wuxuu si aad ah ugu dhiirigelinayaa in haweenka gurigooda ay ku ekaadaan sida Ilaahay faray. Isaga oo aan habayaraatee soo qaadan haweenka hoos ku xusan marka laga reebo tiro aad u yar oo Ummu Salama ay ka mid tahay.
Waxaa kale oo muhiim ah in la kala saaro naska shareecada iyo ijtihadka culimada. Culimada waaweyn sida Al-Maawardi, Ibn Qudaamah iyo kuwo kale waxay soo bandhigeen aragtiyo muhiim ah oo ku salaysnaa duruufihii siyaasadeed iyo bulsho ee xilligoodii. Laakiin aragtiyahoodu waa ijtihad bani’aadam, mana la sinna Qur’aanka ama Sunnada. Xaqiiqdii, qoraagu laftiisu wuxuu qirayaa in culimo waaweyn sida Ibn Jariir al-Tabari, Ibn Hazm iyo qaar ka mid ah Maalikiyada iyo Xanafiyada ay qabaan aragti ka duwan tan jamhuurta culimada.
Sidaas darteed, su’aasha ugu dambaysa ee cilmi ahaan la isweydiinayo waxay tahay: caqabadaha maanta horyaalla Hoggaaminta Haweenka ma waxay si toos ah uga yimaadeen Qur’aanka iyo Sunnada, mise waxay ka dhasheen isku darka ijtihadkii culimada, duruufihii siyaasadeed ee taariikhda Islaamka iyo dhaqammo bulsho kuwaasoo muddo qarniyo ah soo jiray?
Buugga waxaan ka dheehday oo kaliya daliillo gaar ah oo taageeraya hal aragti iyadoo ay fiicnaan lahayd in la soo bandhigo daliillada kale.
Haween badan oo noolaa xilligii Suubanaheena (NNKH), doorkoodu wuxuu ahaa mid aqooneed, diimeed, bulsheed, siyaasadeed, caafimaad, suugaaneed iyo difaac intaba leh. Hadaba aniga oo arrinkaas ka duulaya waxaan jecleystay in aan dib u milicsanno taariikhdii haweenka Islaamka, xilli uu suubanuhu dhexjoogay.
Tusaalooyin Taariikheed oo Haweenka Islaamka ah
1. Umm Waraqah bint Nawfal
Umm Waraqah bint Nawfal waxay ahayd haweeney reer Madiina ah oo qaadatay diinta Islaamka. Waxaa lagu yaqaannay inay ahayd haweeney cilmi leh oo si weyn ugu go’nayd diinteeda. Waxay ahayd xaafidadda Qur’aanka, iyadoo habeen iyo maalinba salaad iyo cibaado ku qaadan jirtay. Qur’aanka waxay u akhrin jirtay si aad u qurux badan, waxayna waqti dheer ku bixin jirtay ka fikiridda, fahamka iyo dhuuxidda macnaha aayadaha.
Nebigu (NNKH) wuxuu u hayey qadarin iyo maamuus sare. Waxaa la weriyey inuu mar u oggolaaday inay xubnaha qoyskeeda gurigeeda ugu tujiso salaad jamaaco ah. Culimadu weli waxay ka doodaan in jamaacadaas ay rag ku jireen iyo in kale. Dooddaasi waxay la xiriirtaa su’aasha ku saabsan in haweeneydu ragga salaadda ku hoggaamin karto iyo in kale.
Warka uu Cabdiraxmaan ibn Khallaad ka weriyey dhacdadan wuxuu sheegayaa in markii Nebigu (NNKH) booqday guriga Umm Waraqah uu u sameeyey mu’addin, kaasoo ah qofka dadka salaadda ugu yeera. Cabdiraxmaan wuxuu yiri: “Waxaan weli sidii indhahayga ugu arkaa dhacdadaas, mu’addinkuna wuxuu ahaa nin da’ ah.” Joogitaanka mu’addinka ragga ah ayay culimada qaarkood u fasirteen inuu daliil u noqon karo in jamaacadii Umm Waraqah uu nin ka mid ahaa. Hase yeeshee arrintani weli waa qodob ay culimadu ku kala aragti duwan yihiin.
Doorkeeda:
◦ Xaafidadda Qur’aanka iyo caalimad ku xeeldheer fahamka Qur’aanka.
◦ Hoggaamiye diimeed oo qoyskeeda salaadda ku hoggaamisa.
◦ Macallimad ku dayasho mudan dhanka cibaado.
◦ Kalkaaliso iyo daryeele dhaawacyada dagaalka.
◦ Haweeney uu Nebigu si gaar ah u qadarin jiray.
2. Zaynab bint Abii Salamah (oo markii hore loo yiqiin Barrah bint Abii Salamah)
Barrah waxay ahayd ilmo yar markii aabbaheed, Abuu Salamah, uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray Dagaalkii Uxud. Zaynab, oo laba wiil ay kaga dhinteen Dagaalkii Harrah, waxay caan ku ahayd aqoon iyo faham qoto dheer. Waxaa la sheegay inaan haweenkii jiilkeeda midkoodna la barbar dhigi karin aqoonteeda iyo garaadkeeda. Waxay sidoo kale werisay qaar ka mid ah axaadiista Nebiga.
Doorkeeda:
◦ Caalimad aqoon sare leh.
◦ Weriye xadiis.
◦ Haweeney ku soo barbaartay gurigii Nebiga.
◦ Isha gudbinta aqoonta iyo dhaqankii guriga Nebiga.
◦ Haweeney lagu yaqaannay garaad iyo faham qoto dheer.
3. Faadumo bint Qays
Faadumo bint Qays waxay werisay 34 xadiis. Dadkii ay isku waqtiga ahaayeen waxay ku ammaani jireen garaadkeeda. Waxaa lagu yaqaanay inay ahayd haweeney karti leh oo aqoon badan. Waxay sidoo kale caan ku ahayd deeqsinimo iyo martigelin wanaagsan.
Markii Cumar ibn al-Khattaab geeriyooday sannadkii 23 Hijriyada, oo ku beegnayd 643 Miilaadiga, shirkii guddiga la-tashiga Muslimiinta ayaa lagu qabtay guriga Faadumo. Waxaa loo doortay inay martigeliso kulankaas, sababtoo ah, sida xadiisku sheegay: “Waxay ahayd haweeney faham leh, go’aan miyir leh iyo aragti wanaagsan.” Xubnaha guddigu waxay qiimeyn jireen taladeeda, waxayna u arkayeen inay habboon tahay in lagala tashado arrimaha muhiimka ah.
Faadumo waxay ka mid ahayd dadkii hore u qaatay Islaamka. Waxay u hijrootay Madiina.
Doorkeeda:
◦ Caalimad iyo weriye xadiis.
◦ La-taliye siyaasadeed iyo bulsheed.
◦ Martigeliyaha shirkii lagu doortay hoggaanka Muslimiinta.
◦ Haweeney lagu yaqaanay garsoor wanaagsan iyo aragti miisaan leh.
◦ Isha laga soo qaatay dood sharciyeed ku saabsan xuquuqda haweeneyda la furay.
◦ Haweeney si toos ah Nebiga ula tashatay arrimaha guurka iyo furriinka. Haddii lagu qiimeeyo kaalinteeda maanta dalalka Islaamka waxay u dhigan tahay Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska.
4. Rubayyi bint Mucawwid ibn Cafraa
Rubayyi bint Mucawwid ibn Cafraa waxay gudbisay 21 xadiis, waxaana loo aqoonsanaa inay khabiir ku tahay hab-dhaqanka iyo dhaqangelinta diinta Islaamka. Waxaa loo hayey qadarin aad u sarreysa. Saxaabo iyo culimo muhiim ah, sida Cabdullaahi ibn Cabbaas iyo Zaynul-Caabidiin, ayaa talo ka raadsan jiray marka ay la kulmaan arrimo muhiim ah.
Waxay qaadatay Islaamka kahor hijradii Madiina. Waxaa la sheegay inay Nebiga aad ugu dhowayd, Nebiguna uu marar badan gurigeeda booqan jiray.
Doorkeeda:
◦ Weriye xadiis iyo caalimad ku xeeldheer dhaqanka Islaamka.
◦ La-taliye ay culimada iyo saxaabadu aqoon ka raadsadaan.
◦ Qof si dhow u yaqaanay Nebiga iyo sifadiisa.
◦ Kalkaaliso dagaal.
◦ Qof dhaawacyada dagaalka daryeeli jirtay.
5. Shifa bint Cabdullaah waxay ahayd
Caalimad, macallimad
haweeney maamulka ka shaqaysa.
Cumar ibn al-Khattaab ayaa kala tashan jiray arrimaha bulshada. waxaana loo xilsaaray kormeerka suuqa Madiina. Maanta waxay l adarajo ahayd Wasiirka maaliyadda ama midka Ganacsiga
6. Umm Sacd ama Jamiilah bint Sacd Waxay ahayd
Caalimad,
weriye xadiis,
fasiriye Qur’aan iyo macallimad.
Waxay dadka bari jirtay diinta, rag aqoon lehna waxay ka mid ahaayeen ardaydeeda.
7. Khansaa bint Camr
Waxaa la rumaysan yahay in Khansaa bint Camr ay da’ weynayd markii waxyigii ugu horreeyey soo degay.
Doorkeeda
Khansaa waxay ahayd:
Abwaanad weyn oo Carbeed.
Hoggaamiye suugaaneed iyo dhaqan.
Curiyaha gabayada baroordiiqda.
Gabayaa dhiirrigelisa ciidanka.
Afhayeen khudbadaha soo jeediye dagaal.
Hooyo wiilasheeda ku dhiirrigelisay difaaca waxa ay rumaysnaayeen.
Haweeney suugaanta u adeegsatay arrimaha bulshada iyo siyaasadda.
Gabagabo
Falanqayntani waxay iftiiminaysaa doorka ku saabsan doorka haweenka ee hoggaanka Islaamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waxaa muhiim ah in la kala saaro naska shareecada, ijtihadka culimada, iyo dhaqamada bulshada, si loo gaaro faham qoto dheer oo ku saabsan mawduucan. Taariikhda Islaamka, gaar ahaan xilligii Nebiga (NNKH), waxay muujinaysaa in haweenku ay lahaayeen doorar muhiim ah oo kala duwan, kuwaas oo ka tarjumaya aqoontooda, kartidooda, iyo hoggaamintooda.
Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqada bulshada Soomaaliyeed ee casriga ah waxay soo bandhigaysaa caqabado iyo su’aalo u baahan in si cilmiyeysan loo waajaho, iyadoo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee haweenka Soomaaliyeed. Dib u eegis lagu sameeyo fahamka iyo dabaqida shareecada, iyadoo la waafajinayo xaqiiqada dhabta ah ee bulshada, taasoo lagamamaarmaan u ah horumarka iyo caddaaladda bulshada.
Tixraac
• Diini, Cabdulqaadir Cabdulle. Hoggaanka iyo Haweenka. (Bogagga 13, 178–186).
• Qur’aanka Kariimka ah, Suurat Yuusuf, Aayadda 28.
• Xadiiska Nabiga (NNKH): «لَنْ يُفْلِحَ قَوْمٌ وَلَّوْا أَمْرَهُمُ امْرَأَةً»
Tixraacyada iyo Ilaha kale ee laga soo xigtay:
Ghadanfar, Mahmood Ahmad.
Great Women of Islam.
Waxaa qoraalka looga tixraacay bogagga 259 iyo qaybo kale oo la xiriira haweenkii waaweynaa ee Islaamka.Ibn Sa’d.
The Women of Madina.
Waxaa laga soo xigtay bogagga 196–198, 290, 295 iyo 298. Buuggan wuxuu ka warramayaa taariikhda iyo noloshii haweenkii Madiina iyo saxaabiyadii.Kabbani, Shaykh Muhammad Hisham, iyo Laleh Bakhtiar.
Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions.
Waxaa laga soo xigtay bogagga 320, 396 iyo 482. Buuggan wuxuu ururinayaa taariikh nololeedka haweenkii la noolaa ama la kulmay Nebi Muxammad (NNKH).Nadvi iyo qorayaal kale.
Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet.
Waxaa laga soo xigtay bogagga 133–145, 167–169 iyo 182–184. Buuggan wuxuu si gaar ah uga hadlayaa noloshii, aqoontii iyo kaalintii saxaabiyadii.Ahmed, Leila.
Women and Gender in Islam.
Waxaa loo adeegsaday doodaha ku saabsan kaalinta haweenka, gaar ahaan arrimaha hoggaaminta salaadda iyo jinsiga ee taariikhda Islaamka.Walther, Wiebke.
Women in Islam.
Waxaa laga soo xigtay doodaha ku saabsan Umm Waraqah iyo kaalinta haweenka ee cibaadada iyo bulshada Muslimiinta.Muslim ibn al-Hajjaj.
Sahih Muslim.
Waxaa laga soo xigtay xadiiska lambarkiisu yahay 7:2803, gaar ahaan dhacdadii Asmaa bint Cumays ee la xiriirtay xajka, dhalmada iyo ixraamka.K. H. Husein Muhammad.
Magaciisa ayaa ku xusan lifaaqa qoraalka Umm Waraqah, hase yeeshee cinwaanka buugga ama maqaalka si buuxda ugama muuqdo qoraalka la bixiyey.
Umm Waraqah bint Nawfal
Ghadanfar, Great Women of Islam, bogga 259.
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogga 295.
Kabbani iyo Bakhtiar, Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions, bogga 482.
Ahmed, Women and Gender in Islam, bogga 61.
Walther, Women in Islam.
K. H. Husein Muhammad, xogta buuxda kama muuqato lifaaqa.
Zaynab ama Barrah bint Abii Salamah
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogga 298.
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 182–184.
Faadumo bint Qays
Kabbani iyo Bakhtiar, Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions, bogga 320.
Rubayyi bint Mucawwid ibn Cafraa
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 133–135.
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogga 290.
Kabbani iyo Bakhtiar, Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions, bogga 396.
Khansaa bint Camr
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 167–169.
Asmaa bint Cumays al-Khathcamiyya
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 142–145.
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogagga 196–198.
Muslim, Sahih Muslim, xadiiska 7:2803.
Ghadanfar, Mahmood Ahmad.
Great Women of Islam.
Waxaa qoraalka looga tixraacay bogagga 259 iyo qaybo kale oo la xiriira haweenkii waaweynaa ee Islaamka.
Umm Waraqah bint Nawfal
Ghadanfar, Great Women of Islam, bogga 259.
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogga 295.
Kabbani iyo Bakhtiar, Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions, bogga 482.
Ahmed, Women and Gender in Islam, bogga 61.
Walther, Women in Islam.
K. H. Husein Muhammad, xogta buuxda kama muuqato lifaaqa.
Zaynab ama Barrah bint Abii Salamah
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogga 298.
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 182–184.
Faadumo bint Qays
Kabbani iyo Bakhtiar, Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions, bogga 320.
Rubayyi bint Mucawwid ibn Cafraa
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 133–135.
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogga 290.
Kabbani iyo Bakhtiar, Encyclopedia of Muhammad’s Women Companions, bogga 396.
Khansaa bint Camr
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 167–169.
Asmaa bint Cumays al-Khathcamiyya
Nadvi iyo qorayaal kale, Biographies of the Women Companions of the Holy Prophet, bogagga 142–145.
Ibn Sa’d, The Women of Madina, bogagga 196–198.
Muslim, Sahih Muslim, xadiiska 7:2803.
No comments:
Post a Comment